Sida 100 maalmood aad ku noolaan karto adigoon qoraxda arkin

0
18

Si looga hortago faafidda coronavisrus, waxaa dadka lagula taliyay iney guryahooda joogaan.

Dadku waxaa loo sheegay sababo la xiriira caafimaadka iney guryahooda ku nagaadaan. In badan oo dadka ka mid ah muddo Saddex bilood ma aysan arkin iftiinka qoraxda.

Hase yeeshee sannadkasta boqolaal seeynisyahanno ah ayaa taga badda Arctic iyo qaaradda Antarctica xilliyada qabowga si ay halkaasi cilmi baaris uga soo saameeyaan.

Sidee ayay ula qabsadaan?

”Maalhii ugu horreeyay, waxaan u xiisay qoraxda, aad ayayna u adakayd inaan la qabsadao balse markii dambe waan la qabsaday oo waxay noqtay inuu mugdiga caadi ii noqdo,” sida waxaa BBC-da u sheegay Vishnu Nandan.

Dr Nandan waa seynis-yahan ku takhasusay badaha barafka waxa uuna la shaqeeyaa kulliyadda seeyniska ee Jaamacadda Manitoba ee dalka Canada.

Vishnu with fellow researchersLahaanshaha sawirkaSTEFFEN GRAUPNER
Image captionVishnu iyo cilmi baarayaal kale

Ilaa 60 seeynisyahan oo ka kala socda dunida daafeheeda, ayaa waxay ku dhex noolaayeen markab kuwa burburiya barafka ee uu Jarmalka leeyahay.

Kala duwanaanshiyaha wakhtiga

Kaddib markii ay yimaadeen deegaanka Arctic, waxay saxeen saacadda iyagoo waqtiga Moscow u baddelay balse sidaa uma aysan sahlanayn oo markiiba jirkooda ayaa la qabsan waayay nolosha cusub ee qorax la’aanta ah.

”Maalmihii ugu horreeyay quraacda xitaa uma soo kacayn. Mararka qaarna waxaan seexanayay xilli hore ama xilli dambe,” Nandan ayaa sidaasi BBC-da u sheegay, maalmo un kaddib markii uu ka soo laabtay Arctic.

Balse haatan waa uu la qabsaday waxaa uu tagay 15 goor muddadii 7-da sano ahayd ee uu hawshani ku waday.

VishnuLahaanshaha sawirkaJULIENNE STROEVE

“Ma jirto qorax soo baxayso amaba dhacayso. Maalmo qaar waxaan sookacaa anigoo daallan,’ ayuu yiri seeynis- yahanka

”Marka aad eegto bannaanka weli waa mugdi, oo jirkaaga ayaanba kuu ogolaaneyn inaad toosto”.

Hurddo iyo caafimaad

Marka laga reebo in qoraxda laga helo vitamin D waxay kaloo sare u qaadda niyadda qofka. Marka sidaa darteed haddiba aysan qofka u kala baxsanayn maalin iyo habeen waxaa is baddalaya qaabka uu shaqeyo jirka waxayna taasi horseedeysaa inaad dareento daal iyo xanaaq badan.

.Lahaanshaha sawirkaSTEFFEN GRAUPNER

Nandan dhanka kale xilliyada xagaaga wuxuu la kulmay 24 saacadood oo aysan qoraxda dhacayn.

”Marka 24 saacadood oo aysan qoraxada dhicin, aroortii hore waxaad heleysaa tamar balse galinka dambe waxaad dareemayaa daal badan.”

polar bearLahaanshaha sawirkaUNIVERSITY OF BREMEN /MARCUS HUNTEMANN

“Tamar badan ayaad lumineysa marka aad ku dhexjirta barafka sababtoo ah waxaa uu jirka gubayaa saliid badan. 10 kiilo ayuu Miisaankaygu is dhimay ku dhawaad afartii bilood ee aan maqnaa.”

Dabaal deggii sannadka 2020-ka waxay iskugu hal-meel si sannadka u soo dhaweeyaanLahaanshaha sawirkaLUKAS PIOTROWSKI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here