Sicir-bararka,Sare-u-Kaca Quutal Daruuriga Ka Jira Somaliland Oo Xadhkaha Goostey Iyo Xukuumadda KULMIYE Oo Ku Fooggan Hanti Uruursi

0
29

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaa marba marka kaddanbeysa isa soo taraya Sicir-bararka xadhka goostey iyo qaybihii maciishada oo cirka isku shareerey.

Tan iyo markii ay xukuumadda KULMIYE ku dhawaaqdey in ay joojineyso sicirka ayaa waxaa shacabka reer Somaliland galeen marxaladdihii ugu xumaa ee dhinaca sicir bararka, waxaanay xaalad aad u adag oo nololeed soo wajahday dadka danyarta ah oo markii horeba ay haysatay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan.

Maceeshada daruuriga ah, ayaa aad u qaaliyowday oo gaadhay heer ay bulshada danyarta ahi go’yn waayeen, waxa kaloo qiime dhicii ugu xumaa ku habsaday lacagta waddanka oo dalkeeda ku basaastay, ka dib markii ganacsatadda iyo xukuumadduba ay muuneyn waayeen, waxaanu dhaqaalihii waddanku noqday mid u garbo duuban doolarka Maraykanka iyo lacagta laga diro telefoonada gacanta ee Zaad iyo E-dahab (Electronic Money) ee shirkadaha isgaadhsiintu leeyihiin oo lacagtii adkayd ka jilaabtay dalka, isla markaana fulin waayay wareegtadii madaxweynaha ee lagu faray inay xaddidaan lacagaha telefoonka laga xawilo oo muddadii loo qabtay ay ku ekayd 1-dii Bishan July.

 

Berbera // Office

Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here