Sicir Barar: Dumarka Aljeeriya iyo saliid-caddayda maxaa kala haysta

0
34

Har(Saxilnews.com)

Qiimaha raashinka ayaa si aad ah sare uga kacay dalka Aljeeriya, halkaas oo dadka dukaameysanaya ay sheegeen in saliidda cuntada lagu karsado iyo caanaha ay adag tahay in la helo, qofkuna uu ku khasban yahay inuu dukaanlaha ammaano si uu wax uun uga helo.

Saameynta ka dhalatay tallaabooyinka ay dowladda markii hore u qaadday in ay la dagaallanto fayraska safmarka ah ee corona iyo hadda oo uu socdo dagaalka Ukraine ayaa dadka shacabka ah ku adkeeyay nolosha.

“Waxaan dareemayaa sida inaan iibsanayo daroogo,” ayay tidhi Samiha Sammer, oo ah haweeney 31 jir ah, oo hadleysay iyadoo ay ka muuqatay murug iyo is dhiirrigelin labadaba.

Waxa ay jeclaan jirtay in ay doolsho u sameyso qoyskeeda iyo saaxiibbadeed, iyadoo xitaa dhaqaale yar uu kasoo geli jiray xirfaddaas ay hiwaayadda u leedahay. Balse hadda ma heli karto dhammaan waxyaabihii ay sameyn jirtay doolashada.

“Si aad usoo iibsato saliidda cuntada lagu kariyo waxaa khasab kugu ah inaad qofka dukaanka leh is waji garaneysaan,” ayay tidhi Ms Sammer.

Hadallada la is dhaafsanayo waxay noqonayaan kuwo sasabasho ah, maadaama alaabta dukaanka looga baahan yahay ay ku qarsan tahay qaybta dambe ee dukaanka.

Sida ku dhacday dad badan oo reer Aljeeriya ah, waxay markii ugu horreysay isbaddalka xaaladda dareentay sanadkii lasoo dhaafay, xilligaasoo ay xayiraadaha Covid-ka xanuujinta billaabeen.

Hadda oo bisha barakeysan ee Ramadan ay billaabaneyso dabayaaqada isbuuca, dadka reer Aljeeriya waxay sii kordhiyeen dadaalka ay ugu jiraan in ay helaan saliidda cuntada, maadaama ay muhiim u tahay waxyaabo badan oo ka mid ah raashinka la isticmaalo bishaas.

Ms Sammer waxay mararka qaar ku khasbanaataa in ay ka safarto gurigeeda ku yaalla magaalada Blida, iyadoo aadeysa magaalada ku dhow ee Kolea, si ay uga soo iibsato khudaarta oo xoogaa raqiis ka ah meeshaas.

Samiha Sammer waa in ay dukaanleyaasha waji fiican ka sameysato si ay saliidda cuntada uga hesho

Maalmahaan bataatiga waxa uu 30% ka qaalisan yahay sidii uu ahaa dhowr bilood uun ka hor. Safafka dhaadheer ee loo galo caanahana waxay ka dhigan tahay in qofku uu soo kallaho inta aysan qorraxda soo bixin ka hor si uu wax uun ugu helo qoyskiisa.

“Hadda taas waan iska joojiyay maadaama dadka aan dhex galayo oo la is riix riixayo, mararka qaarna loo dagaallamayo si aad u hesho qaybtaada caanaha,” ayay tidhi. “Waa bahdilaad”.

Balse inaad dadka meesha ay buuxaan ka fogaato waxaad ku galeysaa kharash badan.

Hadda waxay bixisaa lacag dhan 420 dinars ($2.90; £2.20) oo ay ku iibsato 1kg oo caanaha budada ah, halka markii hore ay 25 diinaar ku heli jirtay caanaha ay dowladdu soo canshuurto.

Laakiin waxa dadka reer Aljeeriya oo dhan dhibka ugu weyn ku haya waa saliid caddeyda.

Si la mid ah caanaha, waxaa soo ansixiya dowladda, balse xitaa inta uusan dhicin sicir bararka hadda taagan, saliiddu waxay ahayd qaali – shan liitar waxaad ku heli kartaa ugu yaraan 500 oo diinaar ($4.20; £3.20).

Qoraalka sawirka,
Macmacaanka lagu shiilo saliidda, sida zalabiya ayaa loogu jecel yahay xilliga Ramadaanka balse waxaa loo baahan yahay saliid badan

Mushaarka dadka ka shaqeeya shirkadaha gaarka ah waa $240, kuwa dowladda xafiisyadeeda ka shaqeeyana waa $410, sidaas awgeed layaab ma laha in mas’uuliyiinta uu cadaadis ku saaran yahay inay wax ka qabtaan dhibaatadan.

Laakiin maadaama uu dhaqaalaha waddanka xasarad ku jiro, waxaa batay musuqmaasuqa.

Xubin ka tirsan Guddi uu baarlamaanka u xil saaray xiisadda saliidda ayaa BBC-da in ganacsatada saliidda ay si iskood ah qiimaha u kordhiyaan, iyagoo aan dowladda ku wargelinin.

Sanadkii lasoo dhaafay, qiyaastii 150,000 oo xad gudubyo noocaas ah ayay guddigu soo gudbiyeen xogtooda, intooda badanna waxay gaareen ilaa heer maxkamadeed, kumannaan qof ayaana lagala noqday aqoonsigii ganacsiga.

Balse waxaa wali jira dhibaatooyin ku saabsan in raashin ay dowladda Aljeeriya ugu

Balse waxaa wali jira dhibaatooyin ku saabsan in raashin ay dowladda Aljeeriya ugu talogashay shacabkeeda si sharci darro ah loogu qaado waddamada ka baxsan xadka dhinaca koonfureed, kuwaasoo laga iibiyo dalal daris la ah.

Ma jirto tiro rasmi ah balse xog ay BBC-da heshay ayaa lagu sheegay in 12 gaari oo xamuul ah oo ay ku raran tahay saliidda cuntada maalin walba laga qaado Aljeeriya kaddibna si qarsoodi ah lagu geeyo dalalka Mali iyo Niger.

Dadka iibinaya saliidda dowladda Aljeeriya waxay ku qaataan lacago caddaan ah, waxayna ka faa’iidaan ilaa $17,800 halkii gaari ee xamuul ahba, sida ay xogta ku heshay BBC-da.

Taariikhda hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Aljeeriya ee geeriyooday
Dowladda Aljeeriya oo xirtay laba ra’iisul wasaare oo hore
Madaxweyne Butefliqa oo ka digay qalalaaso ka dhaca Aljeeriya
An Algerian protester holds up a placard during an anti-government demonstration in the capital Algiers on 11 December 2019, ahead of the presidential vote.

Qoraalka sawirka,
Mudaharaadyada waddooyinka laga sameeyay ayaa xilka looga eryay Abdelazziz Bouteflika wayna sii socdeen kaddib markii uu xilka iska casilay

Horaantii bishan, Madaxweyne Abdelmadjid Tebboune ayaa mamnuucay in dalka laga dhoofiyo nooc walba oo raashin ah oo markii hore lasoo galiyay – sida saliidda cuntada, sokorta, baastada iyo badeecooyinka kale.

‘Mafia ayaa dhacday waddanka’
In uu waddankan dhaqaalihiisa ku tiirsan yahay iibinta gaaska iyo saliidda cayriinka ah ayaa u sababtay dhibaato wayn, sida uu sheegay dhaqaaleyahanka lagu magacaabo Abdal-Rahman Hadef.

“Waxaa kale oo jira dad dowladda dhexdeeda ku jira oo sameynaya ganacsiyo barbar socda suuqa saxda ah”, ayuu yidhi Mr Hadef

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in xasaradda dhaqaalaha ay horseedi doonto xasilooni darro siyaasadeed.

Sicir bararka hadda jira ayaa laga yaabaa inuu burburiyo xiriirka shacabka iyo dowladda oo horayba aad u liitay.

Madaxweynihii hore ee Aljeeriya waxaa lagu khasbay inuu xilka iska casilo sanadkii 2019-kii kaddib markii ay faraha ka baxeen mudaharaadyada dadweynaha.

Ninka baddalay, oo mar ay saaxiib dhow ahaan jireen, ayaa hadda mar walba iska fogeeya waxa uu ugu yeeray “mafiya-da waddanka dhacday”, ee ka hoos abuurmay Bouteflika.

Laakiin hadda dadka dukaameysta, sida Ms Sammer, waxay xoogga saarayaan sidii ay xiriir saaxiibtinnimo ula yeelan lahaayeen dukaanleyda, si ay uga helaan saliidda raashinka oo loo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here