Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa hada si rasmi ah magaalada moqdisho ka furmey shirkii 28 ee ay yeesheen madaxda urur gobaleedka IGAD kaas oo sanadkan lagu qabtey magaalada Moqdisho.
Shirkan oo qaban qaabadiisa mudooyinkii ugu danbeeyey laga wadey caasimada dalka Somaliya ee Moqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Hogaaamiyaasha Afarta dal ee kala ah Somaliya , Kenya ,Ugandha iyo Raysal WasaarahaEthiopia
Waxaana ka maqan shirkan madaxweynayaasha dalalka Sudan , Koofurta Sudan iyo Jabuuti
Balse madaxweynayashaasi ka maqan shirka waxaa uga qeyb gali doona wasiradooda arimaha dibada oo shirka ku sugan
Fiiro Gaar :- Waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco shabakada Saxilsnews.com