Boqollaal malyan oo ruux oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa isku diyaarinaya inay shaqooyinka fasax ka qaataan si ay qoyasaskooda ula damaashaadaan inta lagu jiro munaasabadda Lunar ee sannadka cusub.
Laakiin shaqaalaha qaarkood oo aad u nasiib badan ayaa helaya fasax dheeraad ah oo 8 maalmood ah, kaasoo ka badan fasaxa caadiga ah ee halka isbuuc loogu tala galay.
Kuwa fursadahaas heystana waa shaqaalaha haweenka doobka ah isla markaana ay da’dooda gaartay 30-ka sano.
Jaaniskan ayaa waxaa bixinaya shirkado dhowr ah oo ku yaalla dalka Shiinaha, inkastoo hablaha loogu talo galay fasaxani ay qaadan karaan ama iska diidi karaan.
Sababta loo siinayo fasaxan ayaa ah iney shukaansi ku raadsadaan ayna helaan qof lamaane u noqda, kaasoo ugu dambeyn horseedi kara guur.
- Iskuul dumarka Shiinaha lagu barayay in ay “raaliyo noqdaan” oo la xiray
- Haweenay fool ahayd oo is dishay oo dadka Shiinuhu ka caroodeen
- Ma asturnaantay eersadeen gabdhaha Muslimiinta ah ee Australia?
Shirkadaha shaqaalahooda siinaya fasaxa shukaansiga waxaa ka mid ah kuwa ka shaqeeya arrimaha dalxiiska.
Warkan xiisaha leh oo soo jiitay guud ahaan dadka ku nool caalamka ayaa waxaa lagu soo daabacay wargeys maalinle ah oo lagu magacaabo South China Morning Post.
Sidoo kale qaar ka mid ah iskoollada ayaa macalimiinta haweenka ah ee aan la guursanin siiyay wax ay ku magacaabeen “fasaxa jacaylka”.
‘Haweenka ay guur la’aanta ku dhacday’
Dalka Shiinaha, haweenka aan wali la guursanin ee da’dooda ay ku dhowdahay 30-ka sano ayaa waxaa loo bixiyaa magacyo qallafsan oo uu ka mid yahay “Haraadi”, kaasoo Soomaalida ay u taqaanno guumeys.
Xaaladdan ayaa ah mid si weyn loo wada ogyahay oo kusii badaneysa waddanka Shiinaha.
Sababta ugu weyn ee dhalisay ayaa lagu sheegay in hablaha ay marka hore mudnaanta siiyaan sidii ay shaqo ku heli lahaayeen, taasoo keenta iney waayaan fursad ay lamaane ku yeeshaan.
Tirada dadka dhalanaya oo hoos u dhacday
Xaddiga dhalashada ee dalka Shiinaha ayaa wali hooseysa, iyadoo xitaa waddankaas uu sannadkii 2015-kii soo afjaray sharcigii ahaa in qoys walba aysan dhali karin wax ka badan 1 cunug.
Sidoo kale xaddiga tirade guurka ayaa sannad walba hoos u dhacayay tan iyo sannadkii 2013-kii.
Sannadkii 2018-kii, waxaa waddankaas ku dhalatay 15 milyan oo ruux kaliya.
Tiradaas ayaa ka hooseysay ilaa 2 milyan oo qof sannadkii ka horreeyay ee 2017-kii.
Ms Hong Fincher oo ah qoraa wax ka qorta arrimaha dumarka dalka Shiinaha ayaa sheegeysa in sharcigii waddanka ka jiray ee 1 -ka cunug u oggolaanayay qoysaska uu dhiirri galiyay in diiradda la saaro helitaanka wiilasha oo qura.
“Runti dalka Shiinaha waxaa ka jirta dumar la’aan, sida ay dowladda sheegtay, hadda ugu yaraan 30 milyan oo rag ah ayaa ka badan tirada haweenka.
Mac-hadka arrimaha bulshada ee Shiinaha ayaa sheegay in tirada shacabka ee wadankan oo hadda ah 1.4 bilyan oo ruux ay hoos ugu dhaceyso 1.2 bilyan, muddada 50-ka sano ah ee soo socota.
Helitaanka jinsiga kale
Hase ahaatee wali ma cadda sida uu fasaxa haweenka la siinayo u sahlayo inay helaan lamaaneyaal guursadaan, si ay carruur u dhalaan.
Huang Lei, oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Hangzhou Songcheng Performance, oo ka mid ah kuwa shaqaalaha siinaya fasaxa shukaansiga ayaa warbaahinta u sheegay in aan xaaladda la saadaalin karin.
“Qaar ka mid ah shaqaalaha dumarka ah wax xiriir ah lama laha dunida inteeda kale”, ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Sidaas awgeed, waxaa rajeyneynaa inaan fasaxyo dheeraad ah siinno dumarka noocaas ah, si ay fursad ugu helaan inay caalamka indhaha ku kala qaadaan isla markaana helaan jinsiga lidkooda ah ee ay u baahan yihiin”.
Hase ahaatee Ms Hong Fincher waxay aaminsan tahay in tallaabadan fasaxa ah aysan saameyn ballaaran yeelan doonin.
“Kaliya waxay ka mid noqon doontaa tijaabooyin fara badan oo loo sameynayo si dhibaatada xal loogu helo”.
“Balse dumarku badankood degdeg uma qabaan inay lamaane yeeshaan oo ay carruur dhalaan”, ayey tiri