Shirkadda DP World Oo Si Cad U Diiday Daawaynta Shaqaale Ku Dhaawacmay Gudaha Dekedda Berbera +  Sababta 

0
18
Berbera (Saxilnews):- Saddex ka tirsan Shaqaalaha Dekeedda Berbera, ayaa dhaawacmay, ka dib markiiuu ku dhacay Wiish Alaabta Roga, sida la sheegay Sabtidii , waxaanay wararku intaas ku dareen in Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World oo Dekeddaa Maamushaa diidday Dawaynta Shaqaalaha dhaawacmay.

Image may contain: sky and outdoor

Shaqaalaha dhaawacyadu ka soo gaadheen Shilkaas oo la kulmay iyaga oo Shaqadooda Maalinlaha ah ee Dekedda ku guda-jiray, ayaa mid ka mid ah dhaawacisiisu culus yahay loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa oo la sheegay in la keenay Cusbitaalka Hargeysa oo Qaybta Lafaha la dhigay.

 

Ila-wareedyo Xog-ogaal ah oo Wargeyska Saxafi soo xigtay, ayaa sheegay in Shaqaalahan dhawacu soo gadhay oo 3 Qof ahaa, laba uu dhawaacoodu sahlan yahay, halka midka kale uu culus yahay, isla markaana dhawacaasi uu jabniin dhanka Gacmaha iyo Lugaha ah yahay, kaas lagu dabiibayo mid ka mid ah Dhakhtarka Lafaha magalaada Hargeysa; sida ila-wareedyada Wargeyska Saxafi soo xigtay xaqiijiyeen.

Waxaanay ila-wareedyadaasi Wargeysku soo xigtay intaas ku dareen in Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera ay diideen Dawaynta Shaqaalaha dhaawacu soo gaadhay, maaddaama uu heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo DP World ku jirin Dawaynta Shaqaalaha dhaawacu soo gaadho, iyagoo ku guda-jira Shaqo.

Waxaana la filayaa in maanta kulmaan Masuliyiinta Waaxaha Dekadda iyo Maamulka Shirkadda DP World Dekedda Berbera iyo Axmed Yuusuf Dirir oo ah Maareeyihii hore ku wareejiyey Maamulka Shirkadda DP World Dekedda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here