Shirkadda soo saarta dheemanka ee De Beers ee dalka Koonfur Afrika ayaa goob dalkaas ku taala ka kaxaynaysa illaa 200 oo maroodi ah, kuwaas oo la geynayo dalka Mozambique.
Balse dhibka jira ayaa ah in dalka la geynayo uu yahay dalka ugaarsiga xawayaanka adduunka ugu badan laga geysto, taas oo micnaheedu yahay in raxantan maroodiga ay naftooda halis gali karto.
Ujeedka ugu weyn ee loo kaxaynayo ayaa ah in meesha ay ku suganyihiin oo ah kaynta Venetia ee gobolka Limpopo ay tahay goob laga soo saaro dheemanka, shirkaddana waxa ay sheegtay in tirada maroodiga ay badatay, lagana yaabo in ay waxyeelo u geystaan deegaanka oo ay xaalufiyaan