Berbera (Saxilnews.com)-Shirkadaha ka wakiilka ah maraakiibta badeecadaha keena ee dekeda Berbera ayaa si faahfaahsan uga hadlay amarka wasiirka islamarkaasina sheegay inaanu wasiirku xogogaal u ahayn waxa uu ka hadlayo gaar ahaana badeecaha koontiirada lagu keeno iyo waliba kharashka laga qaado.
Waxay ganacsatadu sheegeen inay suurtogal ahayn in kharashka koontiirada wax laga badelo ama laga dhimo ,
Waxaa sidoo sheegeen inay Dekeda Berbera ka mid tahay dekedaha ugu jaban dekedaha ku yaala geeska afrika iyo waliba dekedaha jaarka sida jabuuti oo ay sheegeen halkii koontiir laga qaado lacag gaadhaysa ilaa 400 Dollaar .
Pro Khadar Hassan oo ah Gudoomiyaha Shirkadaha ka wakiilka ah oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa si adag uga hadlay lacagta laga qaado koontiinarada gaar ahaana lacagta loo yaqaano ( Handle Terminal Charge) .
waraaqahani ayaa ah kuwo lagu cadaynayo faraqa udhexeeya lacagaha ay qaadan wakiilada maraakiibta dekeda Berbera Iyo Jabuuti .
Halkan Ka Daawo Hadalkooda Oo dhamaystiran .
https://youtu.be/km4M8ELdKMA
WWW.SAXILNEWS.COM
Berbera //Somaliland