Shirkada Isgaadhsiinta ee Som Cable oo Qarka Usaaran in ay Kacdo- Qaybta Suuqgaynta iyo Maamulka Macmiisha oo Albaabada Loolaabay 5 Cisho Kahor-+ Kumanaan Macaamiila oo Dhac Qarka Usaaran

0
23

Hargeisa (Saxilnews)_Shirkada  Isgaadhiisan    ee Somcable   ayaa  Qarka Usaaarn in ay Gabi ahaanba Musalafto ama ay Kacdo Kadib Caqabado    Waawayn oo Kahoryim Kadib, Shirkadan   oo  uu Saamiga  ud Badan  Leeyay Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele Halka Qaybta   kale   ee  ugu Badana  uu Leeyay Ganacsadaha In maxamed Aw Siciid ayaa Waxa  Lagu Maal Galiyay   Aduun  100 Milyan oo Dollar Kabadan, iyada  Xadhkaha Xambaara    Mawjadaha   Internetka Xawaaraha Sare   leh ee Fire Obtic-ka  ay Inta Badan Gaadhiisyeen Gobolada Somaliland.

  Shirkadan  oo  Xadhkeheeda Internetka Kasoo Jiiday    Xadhka Waawayn  ee Yaala Xeebaha   Bada  Jabuuti ayaa Waxa  ay Beegsanaysay  kudhawaan  1,5 Milyan  Kamid Ah Bulshada Somaliland oo  aad   ugu Haraadan  Helista  internet Xaraare    Dheer Leh, Maadama  aanay    Shirkadaha   Wadanka Kajiraan Bixin Internet  Bulshada Somaliland Haqabtiraya.

Maxaaa  Sababay  Suuq Xumada  Qabsatay Shirkada  Somcable!?

Shirkadu Waxa  ay Hore  Heshiis  ula Gashay  Shirkada   Telesom oo  iyadu  Haysata    Adeega Telefoonada  ee Bulshada Somaliland  85%  Taas oo    uu Heshiisku DHigayay in Guryaha ay Kujiraan Xadhka Telefoonada  ee Telesom Lagu Wareejiyo   Somcable Si  ay   Ubixiyaan Adeega Internetka Halka  Telefoonku  Baaqi Uahaanayo   Shirkada  Telesom   Sidoo kale Waxa Lagu Heshiiyay in   wixii Faa,ido ah ee Dheeriya  Lakala Qaybsado.

Sida  ay Xogo Wareeyo  Arinta Udhuun Daloolaa  ugu Warameen  Saxilnews.com Waxa  Heshiiskaas Kabaxday Shirkada  Somcable  Iyada  oo Istustay in ay   Lawareegi Karto   ugu Yaraan  65  Macmiisha Shirada  Telesom Maadama ay Bulshada Kubeer Laxawsanayso     Waxa  aanu  Bixinaynaa  Adeeg Internet oo  uu Xawaarihiisu    Aad Usareeyo  Waxana  ay Kabaxday  Gabi Ahaanba  Heshiiskii ay Hore  ula  Gashay  Telesom.

Sidoo kale Waxa ay SHirkada  Somcable Ku Guuldaraysay   Damaceegi ahaa in ay  Gacanta Kudhigayso    Inta Badan Bushada  Somaliland  ee Adeesata Telefoonada   iyo Internetka, Waxa  Intaas Udheer in  shirkada ay  Dhawr Jeer Soo Wajaheen Khilaafaad Culus oo Sababay in   Tiraba  3 Jeer  Lajaro   Xadhkaha Internetka Qaada  ee  Dhanka Jabuuti Laga Keenay, Geeridii kutumu  Maamulihii Guud  ee Shirakada  ayaa Iyana   Adhaxda Kajabaisay  Somcable Waxana   ay  Dib  uga Dhacday Wakhtii Lafilayay in ay Dalka Soo Wada Gaadho Mudo Sannad   ah.

ugu Danbayntii Waxa  ay Shirkadu  Suuqa Kusoo Gashay  Internet  Diciifa       kaas oo aan Dhaami  kuwii Hore  uga Jiray Dalka,   Qiime  Qaaliya oo aanay Bulsahadu Wada Awoodin   Farasmo Xumaan  Baahsan  iyo  Shaqaale   Aan Aqon Fiican Lahayn oo Macmiisha Jaahwareeiyay

isadoo kale Waxa a y Wararku Sheega in  Xukuumada Jabuuti  Banaday Khadkii hore  Loofilayay  ee Fir  Obtic-  ee Internet-ka  iyada oo Laxidhiidhinaysa Musuqmaasuqyo Durba Debeda  uga Soo Baxay Shirkada  Somcale  iyada  oo Hada  Bixisa   Internetka   Diciifaka  ah ee   uu Noociisu Horeba Dalka  uga jiray   kaas oo Dalka Kusoo Gaadha Qaab satellite ah

ugu Danbyntii  Waxa Maalintii  5aad  oo Xidhiidha Xidhan Xarunta  ugu Wayn  ee  Macmiishu iska Soo Diiwaan Galinjirtay   iyada oo ay Gabi ahaanba Istaagtay Shaqadii Shirkadu  Waday,  Waxana  ay Arinti Cabsi Ku Abuurtay Kumaan Somalilanders ah oo Qaab Xeeladaysan   ay Shiradu Lacago  uga  Guratay

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here