Shirkada Gacanta Ku Haysa Dhismaha Saldhiga Ciidan Ee Madaarka Berbera Ayaa Si Aadag Ubeenisay Warar Been Abuur Ah Oo Laga Faafiyey + Cadayn

0
28

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkada Gacanta ku haysa dhismaha madaarka ciidamada emiraadka ee Berbera ayaa beeniyey inuu istaagay dhismaha xarunta ay gacanta ku hayaan kaasi oo manta qoreen qaar kamid ah mareegaha wararku .

Maamulka sare ee shirkada gacanta ku haysa dhismaha madaarka ciidamada ee Divers Marine Contracting ( LLC) ayaa sheegtay inay si habsimi ah u socodaan hawlaha madaarka Berbera gaar ahaana madaarka ciidamada waxay meesha ka sareen warar ay been abuur ku tilmaameen oo ay qoreen saxaafadu .

Waxay shirkadu sidoo kale beenisay inaanay jirin qalab laga raray dekeda Berbera marka laga reebo wiish xumaaday oo ah nooca dulka dalooliya ( Palling and driling Machine ) oo ay doonayaan inay soo hagaajiyeen ,kaasi oo tilmaameen inay umareen sifo sharci ah sida ku cad waraaqdan ay shirkadu ku dalbaynaysa inay qalabkaasi kusoo hagaajiyeen magaalada Dubai ee dalka emiraadka kadib markii ay ku xumaatay shaqda adag ee kasocota dhismaha saldhiga ciidan ee madaarka Berbera .

Shirkada waxay tilmaamtay inay dalka mudo dheer ka shaqaynaysay isla markaana uu si fiican usocdo dhismaha saldhiga ciidan ee Berbera waxay intaasi raaciyeen inay jiraan shirkado wadani ah oo mudo ku siman afar sano wada shaqaynayeen sida shirkada iskaashatada iskarogooyinka dalka taasi oo jiraan dayn lacag ah oo ay badh qaatan halka walina baaqi koobani uhadhsanyahay taasi oo sababtay duruufaha adag ee Xanuunka carnivorous balse ay qaadan doonaan marka ugu horaysa ee la furo bangiyada iyo goobaha lacaga laysugu diro oo hada uun iridaha loo furay .

Waxay intaasi ku dartay shirkadu inay sharciga la tiigsan doonto dadka ama saxaafada qortay inay istaagtay shaqdii qaran ee ka socotay madaarka Berbera ee ku heshiiyeen dawlada emiraadka iyo somaliland .

Gabogabadiin maamulaha guud ee Madaarka ciidanka Xuseen Maxamed Xasan ayaa sheegay inay si cad shacabka iyo qaranka somalilandba ugu soo bandhigidoonaan shaqda qaran ee ka socota madaarka Berbera maalmaha soo socda .

Wuxuuna noo cadeeyey inaanay jirin wax dhibaato ah iyo shaqo istaagtay toona balse ay wax waliba usocdaan sidii loogu talogalay .

Waxay shirkada maamulka shirkadu soo bandhigeen sawirka waraaqda ay dawlada kaga codsanayeen rarista qalabkaasi iyo mishiinka xumaaday waana kuwan xaga hoose ka muuqda .

.

 

www.saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here