Shirkada DP World Oo Raashin Ka Qaybisay Deegnada Gobolka Saaxil Bisha Barakaysane Ee Ramadaan Halkan Hoose Ka Akhri Warkan .

0
25

Berbera (Saxilnews.com)-  Shirkada Maamusha Dekeda Berbera DP World ee maamusha Dekeda Berbera Sanad walba waxay Deeq raashin ah gaadhsiisa dadka jilicsan ee ku dhaqan deeganada Gobolka Saaxil Gaar ahaana Deeganada Duruufaha adagi ka jiraan .

Waxay bishan barakaysan ee Ramadaan Raashin gaadhsiisay ilaa 1050 qoys oo danyar ah kuwaasi oo ay kaga farxinaysay bisha Ramadaan .

Deeganada raashinka la gaadhsiiyey waxay kamid ahaa Berbera , Xamaas , Abdaal iyo deegano kale oo ku xeeran dhinaca xeebaha gobolka saaxil.

Dadkani jilicsan ayaa soo dhaweeyey raashinkan ay sanad walba siiso shirkada DP World ee maamusha dekeda Berbera .

Qorshaha raashin qaybinta shirkada DP World ayaa ah mid sanad walba lagaga farxiyo kumanaan kamid ah dadka baahan ee ku dhaqan gobolka .

Waxay sidoo kale shirkada DP World sanadkan ay afurin ka samaysay dhamaan masaajid magaalo xeebeda Berbera oo ka afurayeen dadka aan awoodin inay afurka gataan .

Www.saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here