Shirkada DP World Berbera Ee Maamusha Deked Berbera Oo Qalabkii Ugu Casrisaana Keentay Deked Berbera

0
25

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkada Dp World Berbera Ee Maamusha Deked Berbera Oo Qalabkii Ugu Casrisaana Keentay Deked Berbera

Qalabkii ugu horeeyey ee casri ah oo soo gaadhay dekeda Berbera Kadib Markii Shirkada DB World Berbera ayaa keentay qalabkii ugu horeeyey oo isugu jiray qalabka culus ee hawsha socodsiiya kuwaasi oo kamid yihiin

Cagafyada loo yaqaan Caterpiller Forklift ee lagu qaado alaabaha culus ee loogu talogalay in la rago ama la daabulo sidoo kalena lagag shaqeeya fududaynta alaabaha loo baahan yahay in dekeda laga dhoofiyo ama laga soo deniyo

Waxaa kale oo kamid ah qalabkaasi lix xabo kamid ah biraha lagu xidho dekeda horumaray kuwaasi lagu xidho wiishaanta culus ee koontiinerada lagu rogo waxayna sheegeen maamulka Dp World Berbera inay qalabkaasi hordhac uyihiin qalab casri ah oo keenidoonaan waxayna tilaamameen inay qalabkaasi ka keenen wadamada america iyo sidoo kale dalka spain
Waxay sidoo kale kamid ah qalabkaasi taayarada loogu talogalay gaadiidka culus ee kamidka yihiin cagafyada iyo tareelayaasha ka shaqayn doona Dekeda Iyo waliba Sparpartskii loogu talogalay inay qalabkaasi ku shaqeeyaan iyo kuwo ay Dekedu Ubaahan tahay maadama ay horumar balaadhan ku talaabsanayso mustaqbalka dhow loona baahan yahay in hab casri ah loo qalabeeyo Dekeda si ay ula jaan qaado Dekedaha Caalamiga ah
DB Berbera ayaa ku hawlan bilihii ugu dambeeyey horumarka Dekeda iyo sidoo kale kor uqaadista aqoonta shaqaalaha qalabaynteda iyo adkaynta dhinaca maamulka

maamulka shirkada DB World waxaa uu balan qaaday inay iman doonaan qalabyo kala duwan oo lagu horumarinayo Dekeda ay maamulkeeda hayaan isagoo sheegay inuu qorsha DP World yahay casriyeynta iyo tayeynta Dekeda Berbera ee sanadada Dhow

 

 

Xafiiska Wararka Saxilnews.com

Ber bera Somaliland

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here