Shirkada DP World Berbera Ayaa Raashin Uqaybisay Dad Jilicsan Bisha Ramadaan .

    0
    20

    Berbera ( Saxilnews.com)Shirkada Dekeda Berbera maamusha Ee DP World ayaa raashin ka qaybisay deegano ka tirsan Gobolka Saaxil .

    Waji koowaad ee raashin qaybinta ayaa ka bilaabtay deeganada Xabaalo tumaalo , Daragodle , xamaas , waabaha , tuulo barwaaqo , Geel-lookor iyo kuwo kale .

    Waxaa raashin kaasi la gaadhsiiyey dad gaadhaya ilaa 1100 qoys oo dan yar ah oo ku dhaqan magaalooyinkaasi iyadoo sidoo kale la gaadhsiin doono maalmaha soo socda dadka ugu jilicsan xaafadaha magaalada Berbera gaar ahaana Xaafadaha , Magaalo cad , Wadajir , Daroole , Barwaaqo  iyo Burco sheekh .

    Waxaa raashin la gaadhsiin doona dad aad utira badan oo noqon doono dadka ugu nugul xaafadahaasi , qaybinta raashinka ayaa waxaa kaalin wayn ka qaadanaysa Dawlada hoose ee Degmada Berbera .

     

     

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here