Shirkada DP World Ayaa Agabkii Ugu Badnaa Ka Hortaga Xanuunka COVID 19 Ku Wreejisay Berbera .

0
16

Berbera (Saxilnews.com)-DUBAI, Imaaraadka Carabta – 18ka APRIL 2020: Shirkadda DP World, oo ah hormoodka ganacsiga adduunka, ayaa bilawdey inay Soomaliland u dirto sahay iyo qalab caafimaad oo aad muhiim ugu ah dadaalka ay Xukuuumadda Somaliland ugu jirto la dagaalanka cudursidaha Coronavirus. Sahaydaasi caafimaadna waxa xarunta Shirkadda Dp World Berebera ka qaadan doona oo kula wareegi doona Guddiga heer Qaran ee u Diyaar-garowga iyo Kahortagga Cudurka COVID-19.

Waxaa socda olole iskaashi ah oo ay wadaan xafiiska DP World ee Dubai iyo maamulka shirkadda DP World Berbera, sidii loo keeni lahaa  sahay caafimaad oo ka kooban  qalabka neefsashada (Ventilators), intubation kits, iyo tiro aad u badan oo ah qalabka difaaca shaqsiyadeed ee ay u baahnyihiin  dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha iyo dadka kale ee ku foogan gurmadka iyo la tacaalidda dadka cudurka Covid-19 .

Waxa kale oo ka mid ah galoofyada ilaalinta, af-xidhka ( masks), gaashaanka wejiga, iyo koofiyado ( gowns). Sahaydan ayaa laga keenayaa Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha iyo Imaaraadka carabta, waxaana Somaliland lagu keeni doonaa maraakiib iyo diyaardo.

Intaa waxa u dheer, shixnadahaasi waxaa ku jira tiro aad u fara badan oo daawooyin muhiim ah. In kasta oo ilaa iyo hada aysan jirin daaweyn gaar ah oo loo habeeyo cudursidaha Covid-19 illaa iyo hadda;  dhakhaatiirta meel walba waxay ku dadaalayaan sidii ay u yareyn lahaayeen astaamaha una yareeyn lahaayeen dhibaatooyinka

Shixnadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira 5,000 xirmooyinka tijaabinta deg-degga (rapid COVID-19 testing kits) ee COVID-19). Iska-tijaabinta deg-degdegga ayaa muhiim u ah fahamka iyo xakameynta faafitaanka cudurka, iyo farsamayaqaanno caafimaad ayaa loogu direy Kenya tababaro xirfadeed oo ku saabsan baarista iyo daaweynta. Somaliland waxay ballanqaaday inay ka caawiso deriskeeda Soomaaliya iyo Yemen baaritaanka cudursidaha  dilaaga ah marka uu bilowdo shaqada hawsha nidaamka baaritaanku.

 

SUPACHAI WATTANAVEERACHAI, CEO OF DP World Berbera, said: “Although there are still only a few confirmed cases in Somaliland to-date, we have seen the devastating effect of the virus in other countries around the world. Given this threat, we felt it was important to support the government and be able to test suspected cases of the virus inside the country. With the outstanding support from our team in Dubai, we have successfully shipped bulk medical supplies, protective and testing equipment to distribute in Somaliland.”

In order to overcome the high costs of imported masks, DP World Berbera came up with an innovative plan. WATTANAVEERACHAI continued: “There is a shortage of protective masks in Berbera, so we took the opportunity to work with the Mayor and Governor of Berbera to have local people produce homemade masks. We wanted to unleash the outstanding innovative and commercial potential in the community in Somaliland, to help address the issues of high cost and limited supply of masks.”

The DP World Berbera team has been constantly reinforcing health messages to its own staff, families and stakeholders, in line with the latest guidance from the World Health Organisation,

 

SUPACHAI WATTANAVEERACHAI, Maamulaha Shirkadda DP World Berbera, ayaa yidhi: “In kasta oo ay wali jiraan dhawr kiis oo la xaqiijiyey oo Somaliland ka jira, haddana waxaan aragnay saamaynta ba’an ee cudurkani ku yeeshay waddamada kale ee adduunka. Maadaama oo uu yahay cudur khatar ah,  waxaan aamisanahay inay muhiim tahay inaan taageerno dowladda si ay  awood ugu yeelato  inay baadho dadka looga cudurkan looga shakisan yahay fayraska dalka gudihiisa. Kadib caawimo balaadhan oon ka helnay maamulkayaga Dubay, waxaan ku guuleysanay inaan soo rarno sahay iyo qalab  caafimaad oo badan, oo ay ku jiraan gabka ka hortagga iyo iska tijabinta cudurka kuwaaasi oo lagaynayo Somaliland. ”

Si looga gudbo kharashaadka badan ee ku baxa af-xidhka ( masks) la soo dejiyo, DP World Berbera waxay la timid qorshe cusub. WATTANAVEERACHAI oo  sii watay hadlaka ayaa yidhi: “Magaalada Berbera gudaheeeda waxa ku yaraday af-xidhada ( masks), sidaa darteed waxaan fursad u helnay inaan kala shaqeeyno Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil  oo dhiirigalinay in ganacsatada deegaanku inay dalka gudahissa ku sameeyaan af-xidhada cudurka lagaga gaashaanto. Waxaan dooneynay inaan ku baraarujino ganacsatada Somaliland inay  karti iyo dadaal dhalin hal abuuro ganacsi oo wax ku ool ah, si looga baaqsado in lacago badan dibadaha lagaga soo iibsado qalabka noocan oo kale ah ”

Kooxda DP World Berbera waxay si joogto ah u xoojineysaa farriimaha caafimaad ee shaqaalaheeda, qoysaskooda iyo saamileyda, iyadoo la raacayo tilmaamaha ugu dambeeyay ee Ururka Caafimaadka Adduunka,

wuxuuna diray farriin cad isagoo hoosta ka xariiqay in  kala fogeynta Bulsheed ( social distancing) ay tahay mid qasab tahay in bulshadu u wada hogaansato si looga badbaado halisaha cudurkan .

 

www.saxilnews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here