Shirka Jabuuti ee IGAD: Gudoomiyaha Midowga Afrika “Soomaaliya iyo Kenya waa inay heshiiyaan”

0
23
Shirka IGADShirka IGAD

Waxaa haatan kulan ay albaabada u xiran yihiin leh magaalada Jabuuti ku leh madaxda urur goboleedka IGAD, halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool u ah dadka gobolka.

Shirka waxa uu imanayaa xilli Soomaaliya ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedaysay inay faragelinaysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya eeddaasi gaashaanka ayey u daruurtay.

Kulankana waxaa labada dal uga qeybgalaya madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo arrimaha diiradda shirkaas lagu saari doonaan ay k amid tahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal.

“Soomaaliya iyo Kenya waa inay heshiiyaan”

MOUSSA FAKI MAHAMAT
Qoraalka sawirka,Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirkaas ka hadashay ayaa soo hadalqaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taas oo sababay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codaso urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiirigeliyeen.” Ayuu yiri Moussa.

Madaxweynaha Soomaaliya

Hadalkaasi kaddib ayaa madaxda IGAD waxa ay isku kaliyeesheen kulan ay albaabada u xiran yihiin oo ay ka qeybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Shirkaas ayaa lagu wadaa in lagu faaqidi doono khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

“Khilaafka jiro wadahadal hallagu dhammeeyo”

HAMDOK
Qoraalka sawirka,Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo dhiggiisa Itoobiya, Abiy Axmed

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha waddanka Suudaan, Cabdalla Xamduuk, oo sidoo kale ah furitaanka shirka ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay in khilaafyada jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo si nabad ah.

“Sidoo kale maadaama aan ahay guddoomiyaha IGAD, waxaa waajibkeyga ka mid ah in aan caddeeyo in waxyaabaha aan maanta halkan ku go’aaminno inay noqdaan kuwo waafaqsan mabaa’diida urur goboleedka IGAD sida sinnaanta iyo madax-bannaanida dhammaan wadammada xubnaha ka ah IGAD, fara-gelin la’aanta arrimaha gaarka ah ee wadammada xubinta ka ah ururukan.” Ayuu yiri Xamduuk.

“Sidoo kale waa in colaadda iyo khilaafka lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal iyo in la ilaaliyo nabadda, xasiloonida iyo ammaanka gobolka.” Ayuu sii raaciyay

Madaxda IGAD

Dhanka kale, Moussa Faki Mahamat, Gudoomiyaha Midowga Afrika, ayaa madaxda halkaas ku shiraysay waxa uu xasuusiyay xiriirka soo jireenka ahaa ee muddada dheer u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya iyo in labadan dal ee dariska ah ay khilaafka hadda jira ay wax badan ku waayi karaan.

“Waa in aan xusuusnaanaa in Kenya ay ka mid tahay wadammada ciidammada ugu deeqay hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya. Waxayna martigelisaa bulsho Soomaalideed oo qaxooti ah. Waxaanan hubaa in xiriirkaasi weyn ee soo jireenka ah oo u dhaxeeya labadani waddan iyo shacabkooduba inuu ka weynaan doono khilaafka iyo caqabadaha haatan jiraba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here