Hargeysa (SAXILNEWS)_Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu hebeenkii xalay ahaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay, xubno mataleyey garabkii isbahysiga musharaxiinta mucaaradka KULMIYE oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Farax iyo ku-xigaanka labaada ee golaha wakiilada Cali Yusuf .
Sida ay sheegayaan xogaha ay shabakada saxilnews.com ka helayso shir doceedkaas, xubnihii metelayey isbahaysiga musharaxiinta KULMIYE ayaa waxay M. siilaanyo u gudbiyeen tabashadooda, iyadoo la sheegay inuu siilaanyo si fiican u dhegaystay, xubnaha isbahaysiga musharaxiinta mucaaradka KULMIYE uga qayb-galay kulanka ayaa kala ahaa, xildhibaan maxamed yusuf wabeeye iyo xildhibaan C/raxmaan Talyanle, labada masuul oo horay ugu mataleyey garabka isbahaysiga musharaxiinta mucaaradka KULMIYE qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee KULMIYE, balse saluug ay ka muujiyeen qaabka wax loo wado iska casilay xubinimadii gudiga qaban-qaabada shirka KULMIYE.
Dhanka kalena waxa shirkan oo ay ka soo xaadireen labada ku-xigeen ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo cali Yusuf oo iyaga laftoodu ah garabaka isbahaysiga musharaxiinta mucaaradka KULMIYE.
Ugu damayntii shirkan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa la sheegay in aanu siilaanyo wax jawaaba ku celin ee uu si mugle u dhegeysatya dacwadooda, isla markaana uu subax saaka ah qaabilidoono garabka ay horboodayaan labada Kornayl ee muuse bixii iyo maxamed Kaahin, iyadoo marka uu labada dhinac dhegeysto laga sugu doono Madaxweyne siilaanyo inuu kasoo saaro go’aamo uu ku xalinayo khilaafka kala irdheeyey xisbiga talada haya ee KULMIYE ,isla markaan galaaftay golihiisii wasiirada.
berbera2002@gmail.com