Shimbir dishay qofkii lahaa

0
30
Shimbirka Cassowary ee dilay ninkii lahaaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionShimbirka Cassowary ee dilay ninkii lahaa

Booliska magaalada Alachua ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa sheegay Mr Marvin Hajos, oo 75 jir ahaa inuu u geeriyooday dhaawac uu soo gaarsiiyey shimbir weyn uu isagu lahaa.

Taliska Booliska gobolka Alachua ee gobolka Florida oo BBC u warramay ayaa sheegay iney Jimcihi heleen ninka dhintay oo ay dhaawac aad u weyn soo gaarsiisay shimbir weyn uu isagu lahaa.

Ninkan dhintay oo lagu magacaabo Mr Marvin Hajos, ayaa dhaawaca soo gaaray dartii loo qaaday Isbitaal balse wax yar kaddib wuxuu u dhintay dhaawaca shimbirta ay soo gaarsiisay.

Waxayna boolisku sheegeen dhacdadan iney tahay tii ugu yaabka badneyd oo abid soo marta. Dhacdadaasi ka dhacday magaalada Alachua oo ku taalla waqooyiga gobolka Folorida ee dalka Mareykanka.

Taliya ku xigeenka Booliska magaaladaasi Jeff Taylor wuxuu wargeyska Gainesville Sun uu u sheegay “baaritaanka ay sameeyeen iney ku ogaadeen inuu Mr Malvis uu u dhintay “dhaawaca shimbirta ay madaxa ka soo gaarsiisay.”

Haweeneyda u dhaxday Mr Hajos waxay iyaduna wargeyska u sheegtay “ninkeeda inuu sameyn jiray waxa uu jeclaa balse ay geeridiisa sabab u noqotay”

Shimbirka ‘Cassowary’ ayaa ka mid ah shimbiraha ugu weyn uguna miisanka badan dunida, miisaanka shimbirkaasina wuxuu gaaraa ilaa iyo 45kiilo.

Shimbirka oo aan lahayn baadad uu ku duulo ayaa awood u leh saacaddi inuu ku ordo xawaara dhan 50 kiilo miitir.

Waaxda daryeelka kalluunka shimbiraha ee Florida waxay sheegtay in shimbiraha ‘Cassowary’ qofka doonayo inuu dhaqaaleysto uu u baahan yahay fasax sharci ah inuu u haysto.

Waxayna boolisku sheegeen shimbirka dhibka geystay inuu sii ahaanayo hanti ay leeyihiin qoyska uu ka geeriyooday Mr Marvin Hajos.

Khariiradda Florida
Image captionKhariiradda Florida

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here