Shiinaha Oo Albaabbada Isugu-dhuftay Qunsuliyadda Mareykanka

0
37

Dowladda Shiinaha ayaa amar ku bixisay in la xiro qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay magaalo ku taal koonfurta galbeed ee Shiinaha – oo la yiraahdo Chengdu.

Shiinuhu wuxuu uga jawaabayaa amarkan tallaabo uu Maraykanku horey u qaaday oo lagu xiray qunsuliyadda Shiinaha ee ku taalla Maraykanka.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in go’aankan uu yahay “jawaab lagama maarmaan” u ah tallaabada Mareykanku ku xiray qunsuliyadda Shiinaha ee ku taalla magaalada Houston.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa u sababeeyay go’aanka Mareykanka in Shiinahu ku kacay arrimo “xatooyo”.ah.

Xiisada u dhexeysa Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sare u kacday iyada oo labada dal ku muransan yihiin arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, Korona fayras iyo xeerka amni ee muranka dhaliyay ee Shiinuhu kusoo rogay Hong Kong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here