Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynihii hore ee dalka Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed islamarkaana ah musharax u taagan in uu noqdo madaxweynaha dalka Somaliya oo doorashadeedu dhici doonto 08.02.2017 ayaa waxaa uu ka hadley wada hadalada Somaliland iyo Somaliya
Musharaxa oo maanta ka mid ahaa musharaxiintii u khudbadeysay xildhibaanada golaha shacabka dalkaasi ayaa waxaa qudbadiisa qeyb ka ahaa waxyaabaha uu ka ka yeeli doono wada hadalada Somaliya iyo Somaliya hadii uu madaxweyne noqdo
Muddane Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in wada hadaladaasi oo ay xukuumadiisu bilowdey wakhtigii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Somaliya uu dhameystiri doono hadii mar kale madaweyne loo doorto