SHEEKH AADAN SUNNE IYO QOYSKIISII OO MAALMO LA,LAAYAY MEEL UU JAAN IYO CIDHIB DHIGAY IYO WARAR CUSUB OO KA SOO KORDHAY BOOLISKA SOMALILAND!

0
14

Hargeysa(saxilnewscom)-Muddo saddex maalmood ah ayaa la la’yahay Sheekh Aadan Sunne, meel uu jaan iyo cidhib dhigay isaga iyo qoyskiisiiba.

 

Aadan Sunne, oo ka mid ahaa Culimada Magaalada Hargeysa ayaa lagu war helay in isaga iyo qoyskiisa oo ka koobnaa 7 hablood, 2 laba Wiil, xaaskiisa ay ka maqan yihiin Guri ay ka deganaayeen Koonfurta Hargeysa.

 

 

Ehelada Wadaadka ayaa sheegay in aanay garayn meel ay ku maqan yihiin Sheekha iyo xubnaha kale ee qoyskiisu.

Saraakiil Booliska ka tirsan oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyay in aan ninkaa la xidhin balse ay socdaan baadhitaanno ay ku ogaanayaan halka uu aaday.

Aadan Sunne, dhawr goor oo hore ayaa xukuumaddu xidhay, waxana uu ka mid ahaa dadka ku dooda in waddanka lagu xukumo Shareecada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here