Hargaysa ( SN)
Taariikh nololeedkii Sheekh Aadan Siiro .
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro). 1962–2022.
W/Q: Cali Cabdi Coomay.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi waxa uu ku dhashay Magaalada Hargaysa sannadkii 1962, waxa uu Qur’aanka ka galay isla Hargaysa. waxa uu dugsigii hoose ka galay dugsigii Malko-dururo. dugsigii sare wuxuu ka galay dusiga Gacan-libaax.
Markii uu dhammeeyey dugsigii sare ayaa Muqdisho loogu diray shaqo qaran oo uu ku soo qaatay Xalane. shaqadii qaranka wuxuu noqday macallin.
Intaas wixii ka dambeeyey waxa uu Sheekhu aqoonta diinta ka baran jiray masaajidada, waxaanu dhinaca kale noqday ganacsade iskii u shaqaysta.
Sannadkii 1974 wuxuu ka mid noqday urur-diimeedkii Waxdada. markii dalka lagu soo noqday wuxuu aasaasay mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh sida, Xabaalaha Baqiic 1 iyo Baqiic 2. sidoo kale wuxuu fikirkiisa lahaa mashruuca masaakiinta lagu quudiyo ee Miskiin-kalaal. wuxuu ifka kaga tegay 9 caruur ah oo kala: saddex wiil iyo lix gabdhood.
Tixraac: Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.