Singabuur waxa ay caan ku tahay in ay ka mid tahay wadamada aduunka ee sida aadka ah loo magaaleeyay waxaana ka dhisan dhismayaal aad u qurux badan iyo guryo qaali ah. Laakiin markaad la kulanto nin da’a ah oo la yirahdo Oh Go Seng waxa ugu horreeya ee aad arkeysana waa dhaldhalaalka indhihiisa.
Horaantii bishaan, sheekada Mr Oh oo ku nool kayn ayaa si weyn looga hadal haayay Singapore – iyadoo dad badan oo dalka ku nool ay ka falceliyeen.
Qaar baa su’aal ka keenay sababta caawimo dheeraad ah loo siin waayay. Waxaa kale oo la is weydiinayaa sida ay ugu suurtagashay in uu ku noolaado noloshan weliba iyada oo aan la ogaan muddo 30 sano ah.
Dhibaatadii kirismaska
Dhammaan waxa ay bilowdeen maalintii Christmas-ka markii Mr Oh ay joojiyeen mas’uuliyiintu oo ay ogaadeen in uu shati la’aan ganacsi sameeynayo.
Waxa uu iibin jiray khudaarta caleenta leh iyo basbaaska uu beeray – ka dib masiibadii fayraska corona waxa uu waayay shaqadiisa iibinta ubaxa.
Mr Oh waxa uu rumaysan yahay in uu u soo farmuuqay macaamiil xanaaqsan ka dib markii ay isku khilaafeen hal doolar.
Isla markaas ayaa waxaa meesha marayey haweeneey samafale ah, waxayna ogaatay in ay la hadlayeen mas’uuliyiin baarayay oo ka qaatay khudaartiisa.
Vivian Pan waxa ay sheegtay in ay “u xanaaqday mas’uuliyiinta” iyada oo ku sii dartay “Ma aanan doonayn in uu gurigiisa tago isaga oo faro maran maalintaas”.
“Laakiin waxaan fahamsanaa in marka la eego sharciga, uusan wax ku iibin karin waddada,” ayay raacisay.
Waxay duubtay dhacdadan oo ay soo dhigtay Facebook-ga, halkaas oo ay si degdeg ah ugu faaftay – xaaladda Mr Oh ayaa aakhirkii la gaarsiiyay xubin ka tirsan baarlamaanka deegaanka.
Laakiin markaas ka dib xildhibaan, Liang Eng Hwa, wuxuu markiiba ogaaday sheekada Mr Oh aysan intaasi ku ekeyn.
Runtii waxa uu ku noolaa meel kayn ah iyada oo aan la dareemin muddo 30 sano ah.
Ku noolaanshaha kaynta
Mr Oh wuxuu qoyskiisa kula noolaa tuulada Sungei Tengah. Si kastaba ha ahaatee, 1980-meeyadii, tuulooyinkan ayaa dhulka lagu daray si looga sameeyo dhismayaal cusub oo dhaadheer.
Inta badan dadka deggan tuulooyinka waxa ay dawladdu u soo bandhigtay guryo cusub, laakiin Mr Oh ma uu awoodin in meel uu isagu leeyahay ka helo.
Hase yeeshee Walaalkiis ayaa waxa uu helay guri dawladeed waxaana Mr Oh loo ogolaaday inuu ku noolaado halkaas laakiin ugu dambeyntii wuu ka guuray isagoo sheegay inuusan dooneynin inuu culeys saaro qoyska.
Haddaba, waxa uu dib ugu noqday kayn u dhaw halkii horey u degaanaan jireen, waxaanu bilaabay in uu habeekii ku hoydo hoy cooshado ka samaysan.
Markaad u soo dhawaato hoyga, waxaad albaabka ka arkaysaa dambas. Marka aad guriga gashana waxaa qeybta hore ee guriga yaalla alaabtiisa halka qeybta damaba ay hooy u tahay.
Cooshaddiisa waxaa u dhow beer khudaar ah oo isaga leeyahay waxaana ku wareegsan deyr looga ilaalinayo dadka iyo duurjoogta.
Waxaa hooygiisa hortiisa ku yaalla geed dheer oo uu sheegay inuu harsado. Waxa uu sheegay in weligiis uusan dhib iyo kuleyl dareemin inkastoo Singapore uu ka jiro kuleyl xun.
Sidoo kale waxa uu sheegay in kelinnimadu aysan wax dhibaato ah ku qaban. Wuxuu ku mashquulay daryeelka beertiisa.
Arrinta ugu xun ee ku noolaanshaha kaynta, ayuu yiri, waxay ahayd dhibaatada jiirka. Waxa uu sheegay inay dharka ka cuni jireen.
Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay shaqooyin caadi ah oo kala duwan marka uu helo.
Mr Oh waxa uu mararka qaar lacagta uu shaqeysto u isticmaali jiray in uu doon ugu raaco Batam oo ah jasiirad yar oo ku taal dalka Indonesia oo ay jaar yihiin waxa uuna halkaas kula kulmi jiray Madam Tacih oo ah gabadh uu dhalay.
Si kastaba ha noqotee, ka dib booqashooyinkiisii caadiga ahaa ee dhammaadka toddobaadka ee Batam, Mr Oh wuxuu ku laaban jiray gurigiisa kaynta ee Singapore.
Sida qoyskiisa Singapore, xaaska Mr Oh iyo gabadhiisa, oo hadda 17 jir ah, waxay sheegeen in aanay wax fikrad ah ka haysan sida uu ugu noolaa keynta.
Wuxuu had iyo jeer ka jawaabi jiray su’aalaha ku saabsan halka uu ku nool yahay isagoo dhahaya “waxaan ku noolahay beer”, sida uu sheegay qof qaraabo ay yihiin.
Socdaalladii Mr Oh ee Batam ayaa joogsaday ka dib marki ay dhacady musiibada fayraska corona, iyadoo Singapore ay si weyn u xirtay xuduudaheeda.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu weli ku sii adkaystay inuu qoyskiisa ka caawiyo dhaqaalaha waxa uuna u dirirayay lacag u dhaxeysa $500 -$600 oo doolar.
Hoyla’aantu naadir ayay ka tahay gudaha Singapore . Wadanku waxaa, celcelis ahaan, ku nool qaar ka mid ah dadka ugu qanisan Dunida.
Singabuur waxa kale oo ay leedahay hannaan guriyeyn dadweyne oo ballaaran, iyada oo ku dhawaad 80% dadka deggan guryahaasi la kabo.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo darbi jiifka aanan lagu arkin magaalooyinka dalkaas, haddana waxaa lagu qiyaasay in ku dhawaad kunkii qof ee reer Singapore ah ay guri la’aan yihiin.
“Markii ugu horeysay ee aan daawado telefishan”
Bishan Febraayo ee sanadkan iyadoo ay caawinayaan kooxda xillibaanka ee deegaanka, Mr Oh waxaa la siiyay guri cusub oo uu ku noolaado.
Mr Liang wuxuu sheegay in kooxdu ay sii wadi doonto “caawinta Mr Oh, oo ay ku jirto raadinta kaalmo bulsheed oo muddo dheer ah iyo inuu dib ula midoobo xaaskiisa iyo gabadhiisa ku nool Indonesia”.
Hal qol oo jiif ah oo uu hadda la wadaago nin kale ayaa ah mid yar oo aan qalabaysnayn.
Alaabtii yarayd ee guriga taalay waxaa lagu kabay talaagad, telefishin, iyo biyo kululeeyliyaha oo ay ku deeqeen dadka wanaaga jecel.
Mr Oh wuxuu si gaar ah ugu faraxsan yahay kuleyliyaha biyaha sababtoo waxaa dhibayay biyaha qasabadda oo aad u qaboow.
Hadda waxa uu ku shaqeeyaa darawalnimo, isaga oo shaqaalaha ajaanibka ah geeya shaqooyinka, mararka qaarkoodna waxa uu qabtaa shaqada beerta, ayuu yiri.
Maalintii soo galitaankiisa waxay sidoo kale ahayd markii ugu horeysay in ka badan soddon sano oo uu qoyskiisa kula dabaaldego sanadka cusub ee Singapore.
“Aad baan wax u cunay! Oo waxaa jiray noocyo badan oo cunto ah oo aanan dhadhamin sannado badan!”, ka dibna qosol ayuu la dhacay.
“Waxay ahayd wax cajiib ah. Waxaan sidoo kale daawaday telefishanka markii ugu horeysay in ka badan 30 sano. Aad ayaan ugu riyaaqay.”
Si kastaba ha ahaatee, waxa cad in uu weli tabayo xorriyaddii noloshiisii kaynta, inkasta oo uu sheegay in uu doorbidayo in uu ku noolaado guri dabaq ah.
“Waxaan halkaas ku noolaa sannado aad u badan, markaa waxaan u xiisay noloshii dabiiciga ahayd ,” ayuu ku yidhi Hokkien, oo ah luqad Shiineys ah.
“Xitaa hadda waxaan ku soo noqdaa kaynta maalin kasta. Waxaan toosaa 3-da subaxnimo, ka dibna waan labbistaa oo waxaan soo eegaa khudaartayda ka hor intaanay maalinta shaqadu bilaaban.”