Shaxda Adag Ee Ay Chelsea Kala Hortageyso Liverpool Habeen Danbe & Tababare Lampard Oo Bedeli Kara Taatikadiisa

0
30

Chelsea ayaa u safreysa kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Liverpool iyagoo gursad u heysta inay xaqiijistaan u soo bixitaankooda Champions League.

Waxay kulankaan ciyaarayaan iyagoo 3-1 ku soo dubtay Manchester United kulankii semi-finalka FA Cup, iyadoo Red Devils ay sidoo kale kula xafiiltameyso boosaska afarta sarre.

Frank Lampard ayaa aadaya Anfield habeen danbe isagoo ay qasab tahay go’aan ka gaaro taatikadiisa haddii uu bedelayo iyo haddii uu sidii hore ku sii wadayo.

Blues waxay shax ciyaareedka 3-4-3 kala hortaytay Man United semi-finalkii FA Cup, waana shax ciyaareed fursad u siisay inay goolal badan ku dhaliyaan.

Laakiin waa shax ciyaareed ku qasabtay Lampard inuu ka taqaluso kulankii Arsenal ee December ka dib 30 daqiiqo oo ay ciyaarayeen iyadoo Chelsea ay 2-1 ku badisay ka dib marki u laabteen 4-3-3.

Kepa Arrizabalaga ayaan la hubin booskiisa goolka iyadoo Willy Caballero uu wacdarro dhigayo.

Goolhayaha reer Spain ayaa laga dhaliyay sagaal gool lix kulan uu ciyaaray tan iyo markii Premier League uu dib u bilowday isagoo kaliya shabaqa ilaashaday labo jeer.

Qof kasta oo goolka ku soo bilowda waxay filan doonaan inay daafac dhexe ka ciyaari doonaan Antonio Rudiger iyo Kurt Zouma, ka dib qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee Man United iyo Norwich City.

Cesar Azpilicueta ayaa isna booskiisa ceshan doona haddii ay ahaan laheyd seddex daafac danbe ama haddii ay ahaan laheyd booskiisa daafaca garabka daafac.

Haddii shaxda ciyaareedka uu noqdo 3-4-3 markaas Reece James iyo Marcos Alonso ayaa garbaha ka dheeli doono.

Laakiin madaama uu James wacdarro dhigay kulankii ugu danbeysay isaga ayaa lagu soo bilaabi doonaa booska daafaca midig haddii shax ciyaareedka uu noqdo 4-3-3 halka Azpilicueta loo wareejin doono daafac bidix.

Jorginho iyo Mateo Kovacic ayaa si fiican u maamulay khadka dhexe kulankii Wembley, laakiin soo laabashada Christian Pulisic ayaa ku qasbi karta in midkood uu shaxda ka baxo.

Haddii Pulisic lagu soo bilaabo garabka bidix ee weerarka, Mason Mount ayaa la filan karaa in loo soo celin doono khadka dhexe.

Si taas ka duwan haddii shax ciyaareedka uu noqdo 4-3-3 markaas waxaa seddexda khadka dhexe noqon kara Jorginho, Kovacic iyo Mount.

N’Golo Kante weli waa dhaawac halka ay diyaar yihiin Ross Barkley iyo Ruben Loftus-Cheek.

Haddii Mount ama Pulisic uu ku soo bilowdo garabka bidix ee weerarka, Willian ayaa la filayaa inuu ceshto booskiisa weerarka ee garabka midig halka weerarka uu hogaamin doono Giroud.

Chelsea (3-4-3): Kepa; Rudiger, Zouma, Azpilicueta; Alonso, Jorginho, Mount, James; Pulisic, Giroud, Willian

Chelsea (4-3-3): Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Zouma, James; Mount, Jorginho, Kovacic; Pulisic, Giroud, Willian

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here