Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyey ansixiyey sharciga isgaarsiinta, kaasi oo soo jiitamayay wax ka badan 10 sanno .
Sharcigan oo uu baarlamaanka horgeeyey wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayaa waxaa u codeeyey 158 xildhibaan, hal xildhibaana waa uu diidey sida uu sheegey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey.
Wasiir Cabdi Canshuur oo codka xildhibaanada kadib BBC-da la hadlay ayaa yiri “Waxaa la horgeeyey baarlamaankii 7aad, kii 8aad, kii 9aad, kii 10aad ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, sharcigan isgaarsiinta waa sharci dalka aad ugu baahnaa, waxaan nahay dowladda kaliya caalamka aanan lahayn sharci isgaarsiin , waa nasiib wanaag haddii aan maanta yeelanay, sharcigan waa mid u danaynaya bulshada xag amni, xag dhaqaale iyo xag bulshada”.
Hoos u dhac ku yimid ganacsiga Shiinaha
Qodobada ugu muhiimsan ee sharciga
Sida uu sharaxay wasiirka, qodobada ugu muhiimsan ee sharciga dhigayo waxaa ka mid a illaalinta xuquuqda shirkadaha isgaarsiinta, xuquuqda muwaadhinka, wax ka qabashaqada amniga dalka, islamarkaasina waxa uu jideynayaa canshuuraha ku waajiba isgaarsiinta.
Waxa sidoo kale uu sharciga qeexayaa dhismaha hay’adda isgaarsiinta oo iyadu u xilsaaran jaangoynta tariifooyinka laga qaadayo isgaarsiinta iyo waliba maamulista moowjadaha iyo hirarka isgaarsiineed.
Arrinka ugu weyn ee caqabadda ahayd ee uu sharciga u jiitamayay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan canshuuraadka, wasiirka oo taasi ka hadlay ayaa yiri “Hay’adda isgaarsiinta iyo wasaaradaba waxa ay talo soojeedin kusoo jeedin doona qidmadaha laga qaadayo shirkadaha, waxaana loo gudbinayaa wasaaradda maaliyadda , iyada ayaana xadidi doonta tariifoonka/jaangooyada la qaadayo”, waxa uu intaasi ku daray in sharcigan iyo kan canshuuraadka ay iswaafaqsanyihiin.
Sida ay qabaan dadka dhaqaaleyahanada ah, haddii dowladda ku guuleysato in ay canshuur ka qaado shirkadaha isgaarsiinta, waxa ugu soo xaroon kara dhaqaale badan oo ay ku maareyn karto baahiyo badan, sida mushaharaadka ciidammada.
Balse sharcigani waxa uu kaliya quseeyaa isgaarsiinta loo isticmaalayo xagga rayidka, waxaana ka baxsan isgaarsiinta laamaha amniga sida sirdoonka iyo militariga oo lagu dhaqayo sharci kale oo ah kan amniga qaranka.
Qodobada kale ee uu sharciga ka hadlayo waxaa ka mid ah furaha lagu woco Soomaaliya ee 252, astaanta internetka Soomaaliya ee .SO , arrimaha amniga isgaarsiinta, tusaale ahaan in qof kasta oo leen taleefoon cusub qaadanaya ama horey u heystey ay waajib tahay in la diiwaangaliyo si dabogal loogu samayn karo haddii taleefoonkaasi fal dambiyeed lagu geysto, sida uu wasiirka sheegey.
- Khasaare ballaaran oo ka dhashay internet la’aanta Koonfurta Soomaaliya
- Adeegii internet-ka ee koonfurta Soomaaliya oo dib loo soo celiyay
Waxyaabaha ka dhiman sharciga
Inkasta oo uu baarlamaanka ansixiyey sharcigan loo arko in uu muhiimka yahay, haddana sharciga waxa u dhimman talaabooyin dhawr ah ka hor inta uusan noqon sharci la dhaqangalin karo.
Waxaa la horgeynayaa Aqalka Sare oo ay tahay in uu ka doodo, kadibna ansixiyo ama wax ka badalo, markaasi kadibna waxaa loo geynaya madaxweynaha oo la leh awoodda kama dambeysta ah ee diidmo ama ogolaansho, iyada oo markaasi kadib lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah, sidaasina ku dhaqangali doono.
Isgaarsiinta Soomaaliya
Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu horumarsan adduunka, uguna qiimaha raqiisan sida lagu sheegey warbixino badan oo soo baxay, iyada oo isticmaalka taleefoonada gacanta ay Soomaaliya xitaa kaga sarayso dalalka dariska la ah iyo dalal badan oo Afrika ka mid ah.
Waxaa jira illaa 20 shirkadood oo bixiya adeegyo kala duwan oo taleefoonada iyo internetka ah, kuwaasi oo isugu jira kuwa waaweyn iyo kuwa yaryar, waxayna taasi suurtogalisey in meelkasta kasta oo Soomaaliya ka mid ah ay taleefoonada gaaraan, qadka internet-kana yahay mid helitaankiisa uu aad u kordhey.
Isgaarsiinta taleefoonada waxa ay sahashay in la helo adeegyada lacagaha la’isugu diro ee loo yaqaano EVC Plus, Sahal iyo Zaad kuwaasi oo noqdey habka ugu badan ee wax lagu kala iibsado dalka oo dhan.
Sidaasi oo ay tahay heshiis ay shirkadaha waaweyn galeen sanadkii 2005-tii oo sahlaya in ay is wici karaan dadka kala heysta nambaraha shirkadaha kala duwan ayaa burburey, taasina waxa ay keentey in qofka uu si sahlan ku wici karo dalka dibadiisa, balse uusan wici karin qofka dalka la jooga ee balse heysta taleefoon shirkad kale ah.
Wasiir Cabdi Canshuur oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegey in sharciga cusub uu jideynayo is shirkadaha is wacaan iyada oo la illaalinayo xuquuqda qofka muwaadhinka