Hargeysa(Saxilnews):- Mudaneyaal kasoo jeeda Somaliland oo dhawaan xilal ka helay Baarlamaanka dawladda Soomaalilya, ayaa waqti horeba dareemay caddaalad-darrada iyo dhibaatada halkaas taalla, waxana iyaga oo adkaysan kari la’ ay warbaahinta soo mariyeen calaacal iyo tawaawac ay u direen ra’isal wasaaraha dhawaan la magacaabay oo ay sheegeen inay xukuumadda uu soo dhisay saluugsan yihiin.
Xildhibaannadan oo uu hor boodayo Maareey ee-ku-xigeenkii hore ee Telefishanka qaranka oo shalay si wada jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa iyaga oo u doodaya beesha ay kasoo jeedaan waxa ay xuseen inaan la aqbali Karin golaha wasiirrada ee uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya soo dhisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inaanu saamigii ay lahaayeen meesha ka muuqanin.
Mustafe Qodax oo haatan kamid ah mudaneyaasha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa, ayaa si kulul cabasho uga muujiyey hannaanka loosoo xulay wasiirrada cusub oo aan weli Baarlamaanku ansixinin, waxana uu sheegay in qaab casaba iyo nin jeclaysi ah loosoo xulay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxanu u aragnaa in naloola dhaqmo sida hindida Dubai ka shaqaysato oo kale, annaguna haddii dad caynkaas oo kale ahi halkan iman jireen sidaas ma nihin, cid kasta oo Farmaajo u shaqaynaysana waxa ay odhan jirtey wax dadku wada leeyahay baynu dhisaynaa, laakii madaxweyne tani ma aha tii dadku lahaaye waa dawlad lagu saleeyey nin jeclaysi, xidid iyo casaba.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan aqoon iyo karti ay leeyihiin lagu soo xulin golaha wasiirrada ee cusub, sidaas darteedna aanay gole ahaan aqoonsan doonin, “Wasiirradu aqoon kumay imanin, beelihii oo si sax ah wax loogu qaybiyeyna kumay iman, annaguna beeshayada cidda aad halkaas geysaan ma aqoonsan doono,” ayuu yidhi Mustafe Qodax.
Bilo kooban oo kali ah ayuu Mustafe Qodax iyo xubno saddex ah oo ay golaha Baarlamaanka ka wada tirsan yihiin kasii maqnaayeen Somaliland, waxana ay durba muujiyeen sida ay u dareemeen dhibaatadii iyo caddaalad-darradii ay Shacabka Somaliland muddo nusqarni ka badan ogaadeen.