Hargeysa(Saxilnews):-Qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala Wasaaradda dib u dajinta Somaliland ayaa wasiirka Dib u dajinta Somaliland Cali Siciid Raygal waxa uu ka jaray Gunadii ay xaqa u lahaayeen taasi oo sida ay noo xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaraddu aan la siin wax mushahar ah mudo haatan ku siman 6 bilood.
Shaqaalaha oo ah waaxda (MRC)- Migrant Response Center oo ah Waax hoos timaada Wasaaradda dib u dajinta ayaa waxa markii hore ay shaqaaluhu qaadan jireen gunada balse waxa si cad isku hor taagay in shaqaalaha Waaxda Hay,ada MRC oo hoos timaada Wasaaraddan la siiyo Gunada Wasiirka Wasaaradaasi Cali Siciid Raygal.
Shaqaalaha rasmiga ah ee Waaxdan ayaa tiradoodu tahay 18 shaqaale oo si joogto ah uga shaqeeya hawl maalmeedkooda kuwaasi oo sida ay noo xaqiijiyeen hore Wasiirka ugu gudbiyey cabashadooda ah in Mushaharka iyo Gunadii aanay qaadan mudo lix bilood ah balse wasiirka ayaa arintaasi aan dhag jalaq u siin.
Shaqaalaha Dawlada ayaa intooda badan waxa mushaharkooda gaar ahaan gunada si joogto ah ugu takri fala hadba wasiirka xilka haya,taasi oo mararka qaar sababta in iska hor yimaadaan wasiirka iyo Shaqaalaha.Waaxda ayaa si joogto ah ula shaqaysa qaar ka mid ah Haayada Caalamiga kuwaasi oo inta badan ku dadaala xuquuqda shaqaalaha,
Hase yeeshee Shaqaalaha Waaxda MRC ayaa waxa hadiiba ay si cad uga hadlaan dulmiga ay ku hayaan masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda dib u dajinta Somaliland waxay keenaysaa in si cad looga caydhiyo Shaqada ay qaranka u hayaan iyada oo loo adeegsanaayo awooda Xilka.
Resource MRC STAFF
XIgasho:-Hangoolnews