Shaqaale diyaaradeed oo lagu qabtay lacag badan oo sharci darro ah

0
20
DiyaaradLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Gabadh adeegto ka ah diyaarad iyo nin kale ayaa la xiray iyaga oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay si sharci darro ah uga saaraan Hindiya 500,000 oo doolar, sida ay sheegeen masuuliyiinta waaxda canshuuraha.

Gabadhan ayaa saarnayd diyaarad ay leedahay shirkadda Jet Airways oo ka soo duushay Delhi kuna sii jeeday magaalada Hong Kong, waxaana lacagta laga helay boorsadii ay wadatay, sida uu sarkaal u sheegay BBC.

Wuxuu intaas ku daray “in xiritaanno noocaas oo kale ah la samayn doono”

Shirkadda diyaaraddaha ayaa sheegtay in aysan u dulqaadanaynin in shaqaalahoodu ay sameeyaan waxyaabo sharci darro ah.

War qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay ayay ku xaqiijisay in la xiray qof ka mid ah shaqaalaheeda.

Lacagta la qabtay oo u dhiganta saddex milyan oo rupee inteeda badan waxay ka koobnayd boqol boqol doolar, sida uu BBC u sheegay masuul ka tirsan waaxda canshuuraha.

Waxaa lagu duuduubay nooc ka mid ah bacaha oo ay adag tahay in ay akhriyaan mashinna ammaanka ee garoomada yaalla, sida ay ku warramayso saxaafadda dalkaas.

Waaxda canshuuraha ayaa BBC-da u xaqiijisay “in ay ogaadeen qaabkii hawshan loo fulinayay muddo lix billood ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here