Shaqaalaha IOM Oo Karbaash Kala Kulmay Boodh Ay Kusoo Qoreen Magaca Somaliya Iyo Gudoomiye Xinif Oo U hanjabay Haayadaha Magaca Somaliya Mashaariicda Kusoo Qaata .

0
16

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha haayada Qxootiga iyo Barakacaayasha qaranka ayaa manta maruu soo gaadhay magaalo Xeebeda Berbera oo uu ka dhagax dhigay dhismayaal kumeelgaadha ah oo loo dhisayey xarunta HQBQ waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay qaar kmaid ah haayadaha la shaqeeya iyo maamulka Gobolka saaxil .

Abaaro tobankii subaxnimo markii aanu gaadhnay xarunta lagu talogalay dhagax dhiga oo ku dhextaalay xarunta lagu soo dhaweeyo dadka kasoo barakaca  wadamada carabta ee dagaaladu kasocdaan ayaa halmar waxaa is bedelay jawiga gudoomiyaha haayada qaxootiga Somaliland Xinif isagoo si xun uga qanaaqay isla markaasina hanjbaad tii ugu cuslay kuladuldhacay qaar kamid ah shaqaalaha haayada IOM oo goobta dhagax dhiga kusii diyaariyey Board ama tabeele ay ku qoran tahay (Somali Refugee Camp ) xinif oo aad uga xumaaday arintaasi waxaa amar kusiiyey shaqaalihii goobtaasi gaar ahaana qoladii siday booadhadhkaasi inay jeex jeexaan isla markaasina goobta ka saaran taasi oo si adag usoo jeeditay dad badan oo aan dareesanayn shirqoolka hoose ee haayadaha oo goobta ku suganaa waxay dhamaan ka xumadeen magacyada beenta ah iyo khiyaamada haayadaha shisheeye dalka kawadaan .

gudoomiyaha haayadah qaxooriga iyo barakacayaasha qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) waxaan hadalkiisi kasii xasuusta adeero ka qaad meesha waxan aad soo dhigteen dalka magacbaa layidhaa halkani somaliya maaha Waa somailand ”adeer boodh yar oo aad wax kusoo xariiqdaybaad nasoo hordhigaysa adeer waxa umada nagaga dhimataybaanad ogayn ” hadla dhaxalgal ah ayuu ahaa shucuur gaar ah xanbaarsanaa .

Intaasi kadib shaqaalihii oo naxsan ayaa furfuray guud ahaanba boodhadhkii uu magaca Somali ku xardhanaa ,arinta layaabka leh ayaa waxay ahayd boodhadhkan waxaa daabacday shirkada xaysiiska iyo daabacadaha salgaljet sidoo kale inanka soo daabacay ee kasocday  haaydaha waxaa uu dhashay Somaliland waxaa ku adkaatay dadkii joobta joogay inankani miyaanu muwaadin ahayn mise waa danayste ushaqaynaya oo kaliya dantiisa iyo danta haayadaha dhamdhamo raadiska ee mashruuca kusoo qaata magaca Somaliya ,Somaliland u aqoonsan wadan aan jirin oo magaciisa aan waxba lagu soo qaadan Karin ,basle arintaasi waxaa meel adag iska taagay oo gaashan udaruuray gudoomiyaha haayadah qaxoontiga Somaliland oo muujiyey muwaadinimo iyo sharaf masuulnimo ,waxaa sidoo kale Mr Xinif dufaacay sharafta iyo haybada dawladnimo.

Talaabadan gudoomiyaha haayada qaxootiga baracayaasha qaranka jsl ayaa muujiyey talaabo ku dayasho mudan oo ubaahan in laga war hayo shirqoolada taban ee haayadaha dalka ka shaqeeya ee ay ugu horeeyaan haayadaha dhinaca somafulku.

 

www.saxilnews.com

Berbera/Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here