Shan sanadood ka hor, in ka badan hal milyan oo qof ayaa u tallaabeen qaaradda Yurub halka kuwo kalena ku geeriyooday kuwa kalena halis galeen .

0
26

Shan sanadood ka hor, in ka badan hal milyan oo qof ayaa u tallaabeen qaaradda Yurub. Qaar badan oo dadkaasi ka mid ah waxay naftooda galiyeen halis wayn oo waxa ay soogaleen safarro khatartooda leh, xilli ay ka baxsanayeen colaad, waxayna doonayeen inay nolol wanaagsan helaan.

Hasayeeshee qulqulka dadkaas tirada badanaa waxa ay sababtay dhibaato – bini’aadamnimo iyo mid siyaasadeed – xilli Yurub ay la daalaa dhacaysay inay arrintaas wax ka qabato.

Kumannaan qof ayaa geeriyooday iyagoo iskudayaya inay badda ka tallaabaan. Dalalka qaar waxa ay soo dhaweeyeen soogalootiga halka kuwa kalana ay silig miciinbideen oo ay xuduudahooda ka xirteen tahriibayaashii.

Saameynta ka dhalatay muhaajiriinta tirada badan ayaa weli la dareemayaa. Halkan ayaan idinkugu soo gudbinaynaa mudadaas waxa ay u soo joogeen weriyayaasha BBCda, khubarada iyo dadkii safarradaas halista ah soogalayba. Haddaba sidey Yurub arrintaas u badeshay iyo weliba nolosha dadka arrintaas ku lugta lahaa?

Short presentational grey line

Sida ay ku bilaabatay: ‘Waxaan ogaa inaynaan wax mustaqbal ah lahayn’

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Aad ayey noloshayda u wanaagsaneyd wixii ka horreeyay dagaalkii 2011. Waxaan Xalab ku dhigi jiray maadada Xisaabta, laba carruur ah ayaana ii joogay. Hasayeeshee markii uu dagaalka bilowday, waxaan ogaa inaynaan wax mustaqbal ah dalkaas ku lahayn. Gaarigayga ayaan shaqada ku tegi jiray waxaanan arki jiray maydad wadada hareeraheeda yaal. Marka waxaan u soo qaxay Turkiga – oo waxa uu ahaa marinka ugu fudud ee aan ku soo baxsan karay.

Mark Lowen, weriyihii Turkiga BBCda uga soo warramayay 2014-19: Dagaalka Suuriya waxa uu Turkiga gondaha u galiyay sheekada muhaajiriinta. Waxa uu dalkaas xad la leeyahay Giriigga iyo Bulgaria, marka dhinacyo badan ayuu dalkaas ku noqday halka Yurub lagu sugo. Dad fara badan ayaa Turkiga ka soo galayay Suuriya kaddibna u tallaabayay Giriiga sanadkii 2015.

Julian Miglierini, weriyaha BBC ee Rome: Hasayeeshee Talyaaniga, soogalootiga ayaa muddo sanada ah waxa uu ka ahaa arrin wayn. Waxaa sidaas ka dhigay waa dhawaanshaha ay u dhawdahay Waqooyiga Afrika taas oo dhabbaha ugu muhiimsan uga dhigtay dadka naftooda ku soo haligaya ka tallaabista badweynta Mediterranean-ka, dad badan ayaana arrintaas sameeyay.

Guy De Launey, weriyaha BBCda ee gobolka Balkans: Xagaagaas waxaa Serbia caadi ka aheyd inaad dad ka soo safray Bariga Dhexe ku aragtid waddooyinka. Waxa ay ku safrayeen wadada iskuxirta gobolka Balkan-ka – kaas oo waqooyiga ka soo mara Giriiga iyo Waqooyiga Macedonia taasna ugu beegan dalalka sida Jarmalka oo kale.

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Laba gabdhood oo aynu walaalo nahay ayaa waxa ay ku noolaayeen waddanka Jarmalka. Waxaan xaqiiqsaday in Turkiga uusan mustaqbalkayga iyo kan carruurtaydaba oolin, marka waxaan go’aansaday inaan safro si aan u baadi goobo fursado ka wanaagsan kuwa Turkiga yaal.

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Jarmalka ayaa waxa uu qaadanayay dadka ka soo cararayay dagaalka iyo maxkamadaynta waxaana u baxay astaanta ah dalkii dadka soo dhawaynayay. Hasayeeshee markii kumannaan kun oo qof ay dalka soo galeen bilowgii Sibteembar 2015, dad badan ayaa ku soo dhawaynayay gacma furan iyo hadiyado dadka tacaabada ay ka muuqatay ee tareenka ka soo dagayay. Sacab iyo erayo soo dhaweyn ah ayey dadka reer Jarmal ku dhawaaqayeen – waqtigaasna waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn.

Migrants arriving with approximately 800 others on a train from Hungary react to the welcoming cheers of onlookers at Munich

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Waxaan imid Munich kaddib safar adag oo dheer. Roob ayaa aad u da’ayay! Anigana wixii ugu adkaa ee aan dareemay ayey taasi aheyd… waxa uu ahaa roobkii xagaaga! Hasayeeshee waxaan la kulmay dad aad ugu furfuran qaxootiga.

Maddy Savage, weriyaha BBCda ee Sweden: Sidoo kale, Sweden, xaalku waxa uu ahaa mid deggan oo dalkan waxa uu ka mid ahaa dalalka aadka dadka u soo dhaweeyay. Goobaha basaska iyo tareennada laga raaco dadku waxa ay la taagnaayeen boorar ay ku qoran yihiin “qaxooti soo dhawaada”, sanadkii kaas ka horreeyayna ra’iisul wasaaraha ayaa khudbad uu dadka Sweden u jeediyay waxa uu kaga codsaday inay qalbiyadooda u furaan muhaajiriinta.

Samar Jaber, Injineer ka soo hayaamay Urdun: Jaamacadda markii aynu dhiganaynay waxaynu marwalba ka hadli jirnay sida Sweden ay qaxootiga u soo dhawayso, marka Urdun ayaan qaxay. Go’aan kale ma aanan haysan sababtoo ah noloshayda ayaa halis ku jirtay. Walaashay ayaa deganayd Sweden, ugu dambaynna iyadii ayaan la midoobay. Markaan halkaan imi waxaan xaqiiqsaday inaan ugu dambayntii xor ahay.

Short presentational grey line

Jawaabcelintii Yurub: ‘Waynu maareyn doonnaa’

Guy De Launey, weriyaha BBCda ee gobolka Balkans-ka: Isbadelka ugu wayn waxa uu dhacay markii booliska Waqooyiga Macedonia ay sunta dadka kaga ilmaysiisa la dhaceen dad iskudayay inay ka soo tallaabaan xadka Giriigga. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadku ay ka saa’id caleeyeen. Waxa ayna u muuqatay in Yurub ay si lama filaan ah dareenkeeda ugu weecisay dhibaato markii hore ka qarsoonayd.

Nick Thorpe, weriyaha BBCda ee Bartamaha Yurub: Hungary-na dowladda ayaa waxa ay ku dhawaaqday in gidaar ay xadka ka dhisi doonto. Booliska ayaa sidoo kale waxa ay xireen xarunta ugu wayn tareenka ee Budapest si ay u hakiso dadka doonaya inay sii safraan. Hasayeeshee tallaabooyinkaas ayaa waxa ay dadka ku qasbeen inay u gacangalaan dadka dadka tahriibiya iyo safar sharci-darra ah.

Bethany Bell, weriyaha BBCda ee Austria: Maydadka tobannaan muhaajiriin ah ayaa markii dambe waxaa laga helay qaybta dambe ee gaari nooca xamuulka qaada ah kaas oo ka soo kicitimay Hungary kuna wajahnaa Austria. Waxa ay aheyd arrin murugo leh oo bannaanka soo dhigtay arrinta dadka la tahriibinayo iyo quusta ay taagan yihiin dadka ay dhibaatadaas haysatay.

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Angela Merkel, sida dhammaantayo oo kale, ayaa waxa ay aad uga naxday dhacdada gaariga xamuulka qaada. Waxa ay u muuqanaysay in arrintaas ay saamaysay. Maalmo kaddibna waxa ay sheegtay in ugu yaraan 800,000 oo qof ay sanadkan u badan tahay in Jarmalka ay magangalyo siyaasadeed waydiisan doonaan. Markii ugu horraysayna waxa ay isticmaashay erayga caan baxay: “wir schaffen das” – waynu maarayn doonnaa.

Iraqi Kurdish men carry the coffin of a Kurdish migrant, who died in a lorry in Austria alongside other migrants in 2015

Qoraalka sawirka, Rag kor u haya naxashka nin Kurdi ah oo maydkiisa laga helay gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku safrayay Austria

Nick Thorpe, weriyaha BBCda ee Bartamaha Yurub: Merkel, ayaa heshiis ay la gashay hogaamiyaha Austria, waxa uu dhigayay in Jarmalka uu qaato dadka ku xayiran Hungary. Kumannaan qof oo ku quustay maxadhada tareenka ee Budapest ayaa waxa ay u soo jihaysteen Vienna. Hungary ayaa aragtideedu waxa ay aheyd: ‘Haddii aad doonaysaan dadkan inaad qaadataan, way idiin furantahay middaas’.

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Kaddib markii aan Munich imid, waxaan tagay laba xero oo qaxooti kahor inta aanan u guurin magaalo yar oo ku taal Hessen. Waxaan halkaas kula kulannay dad u dhashay Jarmalka oo doonayay inay xiriir la yeeshaan qaxootiga waxayna naga caawiyeen inaan bulshada dhexgalno. Aad ayey inoo caawiyeen markasta oo aan maxadhada kula kulanno illaa iyo haddana halkaas ayaan ku noolahay.

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Habka Jarmalka uu arrinta u wajahay ayaa aheyd inuu iskudayo inuu xaqiijiyo in soogalootiga cusub guryo laga siiyo dhammaan dalka oo dhan, oo aanay culayskoodu wada fuulin hal meel oo kaliya. Dhab ahaantii, waxa ay arrintaasi aheyd shaqada maayirrada iyo mas’uuliyiinta inay fududeeyaan socodka. Hasayeeshee waxaa taageerayay dhaqdhaaqaaq xooggan oo iskaa wax u qabso ku shaqeynayay.

Left wing activists protest against supporters of the Alternative fuer Deutschland (Alternative for Germany) political party in 2015

Maddy Savage, weriyaha BBCda ee Sweden: Qoysaska muhaajiriinta ee ku sugan Sweden ayaa badanaa waxaa lageeyay deegaannada fogfog, ama waxaa la dejin jiray goobo kumeelgaar ah oo ay marba meel uga guuraan. Dadka soogalootiga ah in loo furfurnaado ayaa caadi iska aheyd, hasayeeshee arrintaas ayaa waxaa ku yimid isbadel kaddib markii ay ciriiri galeen khayraadkii dadka ka dhaxeeyay.

Guy De Launey, weriyaha BBCda ee gobolka Balkans-ka: Ugu dambayntii, dhabbaha gobolka Balkan ayaa waxaa lagu dhawaaqay in la xiray Maarso 2016. Arrintaas waxa ay gacan ka gaysatay in la dhimo qulqulka dadka.

Mark Lowen, weriyihii Turkiga BBCda uga soo warramayay 2014-19: Waxaana la gaaray heshiis u dhaxeeyay Midowga Yurub iyo Turkiga todobaadyo kaddibna si wanaagsan ayuu u dhaqangalay. Heshiiska waxa uu dhigayay in Turkiga la siiyo balaayiin gargaar ah oo Midowga Yurub uu bixinayo si qaxootiga Suuriya dib Turkiga loogu celiyo waa kuwa soo gaara jasiiradaha Giriigga ee. Waxa ay horseedday hoos u dhac aad u wayn oo ku timid tiradaa Giriigga iman jirtay.

Shaqada iyo guriyeenta: ‘Waxay moodayeen inay jannadii ka horrayso’

Samar Jaber, Injineer ka soo hayaamay Urdun: Sweden markii hore waa ay igu adkaatay dadkuna waxa ay iskudayayeen inay iga faa’iidaystaan ka hor inta aanan qaxooti ahaan la ii aqoonsan. Haatan waxaan haystaa warqado sharci ah, waxaanan doonayaa inaan shahaadadayda jaamacadda adeegsado, hasayeeshee waxaan xaqiiqsaday in aanay aqbalayn shahaadooyinka shisheeye.

Maddy Savage, Sweriyaha BBCda ee Sweden: Dad badan ayaa moodayay in Sweden ay janno tahay hasayeeshee dhibaatooyinka ka horyimid ayaa runta taabsiiyay kuwaas oo aanay filaynba. Xitaa muhaajiriinta sida wanaagsan wax u bartay, Ingiriis wanaagsanna ku hadli kara ayaa la qabsan waayay hannaanka la marsiinayay sababtoo ah warqadaha waxbarasho ee ay wataan ayaanan la aqoonsanayn.

Migrants walk to a first registration point of the German federal police after they crossed the Austrian-German border in 2015

Samar Jaber, Injineer ka soo hayaamay Urdun: Waxaan arji u qortay ilaa 100 shaqo marnaba cid wareysi iigu yeertayna ma jirto. Marka, haatan waxaan go’aansaday inaan sameeyo waxa ay rabaan waxaanan dhiganayaa diblopa Swedish ah. Waxaan doonayaa inaan mustaqbalkeyga dhiso, waxaan doonayaa inaan madaxbannaanaado, hasayeeshee lix sano ayaan halkan joogaa wax aan haystana malahan.

Maddy Savage, weriyaha BBCda ee Sweden: Guryaha iyo shaqada ayaa waxa ay ahaayeen labada arrimood ee ugu wayn. Sweden waxaa magaalooyinkeeda waa wayn ka jira ciriiri badan oo dhinaca guryaha ah.

Jenny Phillimore, parfasoor arrimaha muhaajiriinta: Hal qaab oo gaar ah ayey dadku 2015-kii ku wajaheen sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimaha sida guriyeenta. Magaalooyinka Hamburg iyo Bremen ayaa konteenarrada alaabaha lagu dhoofiyo waxa ay u badaleen guryo ay dadka muhaajiriinta ah degaan. Amsterdam-na, waxa ay dhiseen “magaalo konteenarro ka samaysan” taas oo hoy u noqotay 50% dadka da’da yar ee Holland iyo 50% qaxootiga. Balse ilaa hadda waxaa jira arrimo taagan.

Maddy Savage, weriyaha BBCda ee Sweden: Heerka shaqo-la’aanta muwaadiniinta dalalka shisheeye ku dhashay ayaa ah 21.2% halka shaqo-la’aanta dadka halkan ku dhashayna uu heerkoodu yahay 5.5%. Ujeedka ayaa ah in muhaajiriinta cusub aanay qaban shaqooyinka suuqa madow, waxaana jiray dood ku aaddanayd in la dabciyo shuruucda taas oo u sahli karta inay shaqo si fudud ku helaan.

Samar Jaber, Injineer ka soo hayaamay Urdun: Degannaan ma dareemaysid. Waa sida mar alaale iyo markii aan wax sameeyaba waxaa la I waydiinayaa inaan wax kale sameeyo! Ma waxay kula tahay inaan doonayo inaan guriga iska joogo oo aanan shaqayn? Dhammaantayo waxaan doonaynaa inaan shaqeenno. Hasayeeshee shaqaba ma jirto.

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Jarmalka ayaa dadkiisa waxa ay u badan yihiin dad da’ ah, muhaajiriinta cusub ee timidna waxa ay dadka qaar u arkaan inay xallinayaan gabaabsigii ka jiray dhinacaas iyo shaqaalaha xirfadlayaasha ah – shirkadaha waa wayn sida Siemens ayaa waxa ay bilaabeen inay bixiyaan tababarro. Hasayeeshee dhibaatooyin ayaa jiray oo arrinta muhaajiriinta waxa ay bulshada haysatay muddo sanado ah.

Short presentational grey line

Dugsiyada and isdhexgalka: ‘Waxaan doonayaa inaan halkan nolol ku sameeyo’

Jenny Phillimore, parfasoor arrimaha muhaajiriinta: Dalalka sida Sweden iyo Jarmalka, ee ay dadka badan gaareen, ayaa waxa ay adeegsanayeen hannaan ay ku doonayeen inay wax uga qabtaan isdhexgalka. Hasayeeshee waxaa jiray iskaa wax u qabso ballaaran kaas oo horseeday in wax badan ay ka hagaagaan arrinta.

Maddy Savage, weriyaha BBCda ee Sweden: Hasayeeshee illaa hadda muhaajiriintu dhibaatada ah inay dalka la qabsadaan way haysataa. Bal waxaannu eegi doonnaa sida uu xal u noqdo carruurta dalka halkan yimid weliba marka ay gaaraan da’da shaqada oo ay suuqyada shaqo ka doontaan.

Jenny Phillimore, parfasoor arrimaha muhaajiriinta: Taas waxa ay noqonaysaa marka Sweden ay ogaato in jawaabtii ay bixisay ay guul noqotay iyo in kale. Dadka dalkeeda da’ ayey u badan yihiin marka inay hesho 40,000 oo dhalinyaro ah oo xirfad leh waxa ay noqonaysaa guul wayn.

A woman holds her child as she arrived with other refugees on the shores of the Greek island of Lesbos

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Jarmalka, iskuullada waxa ay qorteen macallimiin dheeraad ah, xirfadlayaal kalana waxaa lagu soo helay tababarro si sare loogu qaado tirada macallimiinta. Fasallo dheeraad ah ayaa loo sameeyay carruurta aanan luuqadda garanayn.

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Gabadhayda iskuulka si wanaagsan ayey casharradiisa uga soo baxdaa. Labadayaduba waxaan si wanaagsan ugu hadalnaa luuqadda Jarmalka, saaxiibo badanna waan leennahay. Hami wayn ayaa ku jira anigana nolol wanaagsan ayaan la rabay middaasna waan sameeyay.

Jenny Hill, weriyaha BBCda ee Berlin: Inta badan dadka muhaajiriinta ah waxa ay dhexgaleen bulshada, oo luuqaddii ayey barteen, nolol cusub ayeyna dhisanayaan. Guul buuxdo maanay gaarin oo weli dhibaatooyin ayaa haysta hasayeeshee boqollaal kun ee qof – oo ku sugan Suuriya, Ciraaq iyo dalal kalaba – ayaa danaynaya inay soo tacabiraan.

Mark Lowen, weriyihii Turkiga BBCda uga soo warramayay 2014-19: Muhaajiriinta waxa ay wax badan ka badaleen hab nololeedkii Istanbul. Waddooyinka qaar waxaa ku yaal dukaamo, makhaayado iyo goobo lagu qaxweeyo oo ay Suuriyiin oo kaliya leeyihiin. Inta badan dadkaasina waxa ay dhab ahaantii doonayaan inay sii joogaan Turkiga sababtoo ah halkaas ayey la qabsadeen oo ay ammaan ku haystaan.

Samar Jaber, Injineer ka soo hayaamay Urdun: Sweden waa dal aad deeqsi u ah. Isbadel wayn ayaan ku dareemay – wax badan ayaan ka cabsan jiray hasayeeshee haatan isbadel ayaan dareemayaa. Waxaan isudiyaarinayaa inaan wax barto oo aan qaato digriiga labaad waxaanan rajaynayaa in riyadayda ka guulgaari doono.

Lara Tahan, macallimad Suuriya u dhalatay: Waxaan rajaynayaa inaan qaato baasaboorkayga Jarmalka. Waxaannu go’aansannay inaannu halkan imaanno oo aan nolol wanaagsan ku noolaanno oo aan ku noolaanno sharaf iyo ammaan, nolosheenna halkan aad ayey u wanaagsan tahay.

BBC / gtyimiges

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here