Shah Rukh Khan oo ku tufay naxashka Lata Mangeshkar

0
37

 

 

.

Baraha Bulshada waxaa muran xooggan ka dhaliyey jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan oo soo gaaray goob loogu duceynayey fannanaddi caanka ah ee Bollywood Lata Mangeshkar sida uu canduufta ugu tufay.

Galabnimadi Axaddi, inta aan Lata Mangeshkar la aasin ka hor munaasabad lagu qabtay beer ku taallo Mumbai oo ay ka soo qayb galeen wasiirro iyo ra’isal wasaaraha dalkaasi Naredra Modi waxaa loogu duceynayey fannaanaddaasi dhimatay.

Haddaba Jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan iyo xoghayntiisa Pooja Dadlani ayaa goobta soo gaaray. Halka Shah Rukh Khan gacmaha kor u taagay si uu ugu duceeyo, halka ay Pooja ay iyaduna sida caadada u ah ay labada gacmood isa saartay iyada oo fannanadda dhimatay u duceyneyso.

.

Shah Rukh Khan marka uu ducadi dhammeystay wuxuu iska siibay maaskarihi afka iyo sanka ugu xirnaa wuxuuna candhuuf u tufay dhinaca naxashka uu yaalla. Haddaba barta Twitter-ka waxa dood weyn ka dhalisay candhuufta uu Shaah Rukhan u ku tufay naxashka Lata.

Arun Yada oo ka tirsan xisbiga BJP ayaa dhinaca Twitter-ka dood kulul ka abuuray. Wuxuuna baraha bulshada uu la wadaagay muuqaal muujinaya Shah Rukh Khan oo naxashka u duceynaya, isaga oo muuqaalkaasi ku dul qoray “Ma cadhuuf ayuu tufayaa?”

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dadkuna waxay billaabeen inay dhinaca baraha bulshada Shah Rukh Khan ka dhaleeceeyaan iyagoo u bixinaya magaca neeftiisa. Halka qeyba kalana ay ammaaneen isaga iyo Pooja Dadlani iyaga oo ku tilmaamay sawirkooda inuu yahay sawirka dhabta ah ee Hindiya

.

Dad badan oo caan ka ah dalka Hindiya ayaa ku soo biiray arrintan doodda dhalisay iyaga oo cambaareyn kala dul dhacay Shah Rukh Khan.

Xildhibaanada Priyanka Chaturvedi waxay barteeda Twitter-ka ay ku soo qortay “Dadka qaar ma istaahilaan duco iyo naxariis toona, ee waxay u baahan yihiin oo keli ah in la siiyo dawo xanuunka maskaxda ka hayo ay isaga daweeyaan.”

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Supriya Srinetra oo aqalka Koongaraska ka tirsan waxay sida oo kale barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay farriin ay uga jawaabeysa su’aalaha tirada badan ee loo soo jeedinayo Shah Rukh Khan.

“Ma tihid oo kaliya qof ay maskaxdiisu xiran tahay, laakiin waxaad tahay qof aad u xun oo sidoo kale ducada u adeegsanaya faafinta neceybka. Qof kastaa waxa uu qabo si uu u gudbiyo, taasoo ka dhigan inaan u oggolaanno xumaanta inay guuleysato.”

Supriya waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Sawirka Shah Rukh Khan oo duceynaya waxayna soo raacisay- “Dalkayga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here