Laascanod (SaxilNews):- Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Maanta magaalada Laascaanoodee xarunta gobalka Sool si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alla bari. waxayna dadkani ahaayeen kuwa qalbiyadoodu ay isa soo jiiteen oo alle dartii isagu soo baxay
Dadka ayaa waxaa ay isku soo baxeen isla markaana ay ku tukadeen Garoonka Masalaha waxaana halkaasi Kalmado wacdi iyo dardaaran isagu jira u jeediyey culimada deegankaasi
Roobdoontan ayaa imanaysa xilli abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba ay weli ka taagan tahay guud ahaan dalka. gaar ahaan gobalada bariga Somaliland
Ilaysnews/Laascanood Desk
Info@Ilaysnews.com