Shabakadda Karinnews Oo Caadaysatay Cayda Iyo Afkaagadda Madaxda Gaar Ahaan Wasirka Warshadaha Somaliland Md Shucayb Maxmed Muuse Taas Oo Ah Cadho Hunguri Ka Kacday !

0
39

Shabakadda Karinnews Oo Caadaysatay Cayda  Iyo Afkaagadda Madaxda Gaar Ahaan Wasirka Warshadaha Somaliland Md Shucayb Maxmed Muuse  Taas Oo Ah Cadho Hunguri Ka Kacday !

shabakada oo in dhawayd ku soo biirtay shabakadaha ama mareegaha laga arkhristo Internetka Ayaa waxay ku caanbaxday cadayda iyo af-lagaadeynta madaxda qaranka somaliland waa waji ku cusub mareegaha internetka hada modiiyinkuu u danbeeyay waxay shabadakadda karin saarnayd wasiirka wasaaradda warshadaha somaliland mudane shucayb maxamed muuse .

masuulka ay shabakada daba dhigatay ayaa ah masuul ku sifoobay daacadnimo iyo karti uu u leeyahay shaqadda wasaaradda warshadaha somaliland waxaanu madaxweynuhu u idmaday xilka wasaradda warshadaha somaliland mudo ku siman laba sanno waxaanu wasiirku ku taalbsaday in uu dhaqaajiyo wasaaradda waxaana la taaban karaa inta uu wasiir shucayb la wareegay shaqadda wasaaradda in uu kor u qaaday tayadda shalaaha wasaaradda , masuulkan ayaa ah masuul ka soo baxay shaqadda loo idmaday ee wasiirnimo waxaanu wasiirku ka soo dhexmuuqday wasiiradda dhiigasa ah ,  waxaanu wasiir shucayb maxamed muuse udub dhaxaad u yahay wasiiradda somaliland . isagga oo ku amaanan shaqadda uu u hayo qaranka jamhuuriyadda somaliland . madaxweynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud (Siilanyo) Ayaa Tiraba dhowr jeer gudoonsiiyay shahaado sharaf uu ku mutaystay shaqadda uu u hayo shacabka somaliland , waxaana soo dhaweeyay arinka shacab weynaha ku dhaqan caasimadda somaliland oo u wadda riyaaqay wasirka warshadaha somaliland mudane shucayb maxamed muuse oo ku sifoobay hawl karnimo iyo daacad uu u yahay shaqadda uu qaranka u hayo , iyadda oo ay sidaa tahay ayay shabakadda karinnews sameysay qoraalo been abuur ah oo ay ku faafiyeen baraha bulshada waxaan si weyn uga qaliyay shacbi weynaha ku dhaqan caasimadda oo ka xumaaday wararka aan sal iyo raadka lahayn ee laga qorayo wasiirka , waxaanu wasiirku ku timaamay shabakadan karinnews in ay doonayso in la siiyo lacag laaluush waxaanu wasiirku balan qaaday in aayan waxba ka tarayn waxa ay qorayso shabakadda karinnews oo ku sifowday cayda iyo af-lagaadda ay u gaysanayo  madaxda qaranka somaliland , ugu danbayn waxa uu wasiirku ugu baaqay shacbi weynaha somaliland iyo muwaadiniinta ku dhaqan caalamka intiisa kale in ayaanay dhag u dhigin wararka been abuurka ah ee ay qorayso shabakadda karinnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here