Seynisyahan u dhashay Iiraan oo looga shakiyay inuu Mareykanka ka xaday Cilmibaaris

0
15
Sirous AsgariLahaanshaha sawirkaSOCIAL MEDIA
Image captionSirous Asgari waa barfasoor 59 jir ah oo wax ka dhiga jaamacadda Sharif ee cilmiga tiknoolojiyadda

Seynisyahan u dhashay dalka Iiraan oo lagu xiray Mareykanka ayaa loo musaafuriyay waddankiisa, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Tehran Mohammad Javad Zarif.

Sirous Asgari, oo ah seynisyahan uu fadhigiisu yahay Tehran, ayaa sanadkii 2016-kii lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu damcay xaditaanka sir cilmibaaris ah oo ay leedahay Jaamacad Mareykan ah.

Waxaa xilligaas lagu eedeeyay inuu cilmibaaristaas si qarsoodi ah ula wareegay.

Hase yeeshee maxkamad heer federaal ah ayaa wax dambi ah ku weysay bishii November ee sanadkii aan kasoo gudubnay.

Bishii lasoo dhaafay ayaa lasoo tabiyay in Mr Asgari dalkiisa loo dhoofin doono marka uu ka caafimaado cudurka Covid-19 oo uu la xanuunsanaa.

Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan ayaa beeniyay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in sii deynta ninkan ay qeyb ka tahay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah.

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, subaxnimadii Talaadada soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo waxa uu ku tilmaamay “war wanaagsan” oo ku saabsan dib usoo noqoshada Mr Asgari.

Laakiin wuxuu Mareykanka ku eedeeyay inay “afduub ahaan u heystaan” seynisyahanno kale oo reer Iiraan ah.

Barfasoorka 59 jirka ah, oo wax ka dhigi jiray Jaamacadda Sharif ee cilmiga Tiknoolojiyadda ayey dacwad oogeyaasha Mareykanka ku eedeeyeen inuu xaday cilmibaaris sir ah oo ay lahayd Jaamacadda Case Western Reserve oo ku taalla gobolka Ohio.

Waxay sheegeen in xogtaas loo diyaariyay ciidamada Badda ee Mareykanka.

Hase yeeshee, isagu wuu beeniyay inuu falkaas sameeyay, ugu dambeyntiina garsooreyaashii dacwaddiisa dhageysanayay ayaa iska laalay kiiskii lagu soo oogay.

Warka la xiriira dib ugu laabashadiisa dalka Iiraan ayaa horseeday xan ku saabsan in labada waddan ay mar kale maxaabiis isweydaarsanayaan.

Madaxweynaha Mareykanka Trump iyo madaxweynaha Iiraan RouhaniLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY

Ugu yaraan lix qof oo u dhahsay Mareykanka ayaa hadda ku xiran Iiraan, ama waxay bannaanka ku joogaan damiin.

Waxaa ku jira rug caddaa ka tirsanaan jiray Ciidamada Badda Mareykanka, oo lagu magacaabo Michael White, kaasoo si ku meel gaar ah xabsiga looga sii daayay bishii March, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto.

Wuxuu hadda daryeel caafimaad ku qaadanayaa gudaha safaaradda Switzerland ee magaalada Tehran.

Sii hayaha xilka wasiir ku xigeenka amniga gudaha ee Mareykanka, Ken Cuccinelli, ayaa isagoo ka jawaabaya qoraalka uu Mr Zariif soo dhigay Instagram-ka waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in kiisaska Mr Asgari iyo Mr White “aysan waligood wax xiriir ah yeelanin”.

“Waxaan isku dayeynay inaan musaafurinno Asghari ilaa sanadkii hore gudihiisa, Iiraan ayaa hor taagneyd dadaal kasta oo lagu dhoofin lahaa, dhankeedana diyaar uma aysan ahayn howsha,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Ka warrama haddii ay Iiraan naga kaxeysato 10-ka kale ee xabsiyadeenna ku jira? Taas wali ma aydaan maqlin sooma aha? Haddii Zarif uusan qeylo dhaan kicin lahayn waxay waqtigooda ku bixin lahaayeen inay qorsheeyaan sidii ay ula wareegi lahaayeen 10-kooda muwaadin ee kale. Laakiin taas baddalkeeda, way xannibayaan.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, oo lagu magacaabo Abbas Mousavi ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiis kala baddalasho “aysan miiska saarneyn”.

Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayey Mareykanka iyo Iiraan maxaabiis isweydaarsadeen.

Xiyue Wang, oo ah cilmibaare heysta dhalashada Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda Shiinaha ayaa loo sii daayay seynisyahan reer Iiraan ah oo la yiraahdo Massoud Soleimani.

Xiyue Wang, oo saddex sano ku xirnaa Iiraan, ayuu salaamayaa safiirka Mareykanka ee Switzerland Edward McMullenXiyue Wang, oo saddex sano ku xirnaa Iiraan, ayuu salaamayaa safiirka Mareykanka ee Switzerland Edward McMullen

Xiriirka Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xumaanayay tan iyo sanadkii 2018-kii, markaasoo uu madaxweyne Donald Trump ka baxay heshiiskii barnaamijka nuclear-ka Tehran.

Horaantii sanadkan, Mareykanka ayaa dil qorsheysan ku fuliyay Janaraal u dhashay Iiraan oo lagu magacaabi jiray Qasem Soleimani, kaasoo darajo sare ka hayay ciidamada.

Suleymaani ayaa lagu bartilmaameedsaday duqeyn ay diyaarad uusan duuliye saarneyn ka fulisay dalka Ciraaq, oo uu xilligaas ku sugnaa.

Iiraan oo ficilkaas ka aargoosaneysay ayaa gantaallo la beegsatay saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here