Dambi Kasta Ee Dhacay Mas’uuliyadda Koowaad Waxaa Iska Leh Farmaajo” Qalbi Dhagax

0
20

[saxilnew.com]Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa boggaadiyay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ee raalli gelintii uu ka bixiyay dhibkii ka dhacay guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in waxyaabihii dhacay uu Xasan Cali Kheyre qeyb ku leeyahay, sidaas darteed loo baahan yahay inay isaga ka timaado oo uu raalli gelin ka bixiyo.

Mar la weydiiyay in haddii Xasan Cali Kheyre uu la soo xidhiidhay iyo in kale ayuu sheegay in aanu la soo hadlin, balse waxaa uu xusay in qadiyadiisa ay aheyd mid ay gashay dowladda Federaalka, isla markaana mas’uuliyadda meel ka bilaabato, meelna ku dhamaato, cida la rabay in difaacdo, dastuurka iyo midnimada dalka inay difaacdo oo loo igmaday inuu ahaa Madaxweyne Farmaajo.

“Cidii la rabay inay in difaacdo Dastuurka, inay difaacdo midnimada dalka waxay aheyd Madaxweynaha oo isaga ayaa loo igmaday oo loo doortay.

“Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yidhi Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aan waxba lagu aamini karin, isla markaana fashil iyo ceeb ay ku dhacday oo ay meesha ka baxday waddanniyaddii uu sheeganayay Madaxweynaha.

Qadiyadii dhiibitaankii Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii u horreeyay oo uu taageeradii shacabka ku waayay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here