Maxaabiis Xabsi Ka Baxsaday, Kadibna Shil Gaadhi Ku Dhintay

0
24

Dalka Lubnaan,(saxilnews.com) shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaadhi, kadib markii baabuurkii ay ku baxsanayeen uu geedi foodda daray. Maxaabiista ayaa kamid ahaa tiro ka soo baxsatay xabsi ku yaalla meel u dhaw caasimadda Beyrut.

69 maxbuus ayaa fursad u helay inay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xidhnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.

Shan iyo toban kamid ah maxaabiistaas ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan, NNA. Mid kamid ah maxaabiista ayaa waxaa xabsiga dib ugu celisay hooyadii.

Laamaha ammaanka ayaa baadhitaan ka waday deegaanka, waxaana dadka halkaa ku nool lagu wargeliyay inay feejignaadaan.

Shilka ayaa dhacay kadib markii lix kamid ah maxaabiista baxsadka ahaa ay xoog qaateen gaadhi marayay meel u dhaw xabsiga oo ku yaalla degmada Baabda.

“Gaadhi cad oo nooca Dacia ah ayaa afka daray geed wadada dhinaceeda ku yaalla. Waxaa saarnaa tiro maxaabiista soo goosatay ah oo ka afduubay darawalkii watay,” ayay sheegtay wakaaladda NNA.

Waxa ay intaa raacisay in shan maxbuus ay ku dhinteen shilka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa billaabay baadhitaan ku aaddan ka baxsashada xabsiga.

Dacwad oogge ayaa sheegtay in aanay meesha ka saari doonin in nooc wadashaqeyn ah ay dhexmartay maxaabiista iyo ilaalada xabsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here