Burco (Saxilnews):- Waxaa magaalada Burco lagu xidhay maanta wariye Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) oo ah wariye ka hawl gala magaalada Burco.
Wariyahan ayaa ku xidhan saldhig ku yaala dawlada Hoose ee Burco
Wariyaha oo ay noo suuro gashay inaanu khadka telifoonka ku helno ayaa noo sheegay in amarka lagu soo xidhay cid bixisay aanu garanayn balse markii uu waydiiyay taliya qaybta uu usheegay in amar uu ku soo xidhay la amray sidaasna uu ku xidhay wariyaha
Wariye sakaaro ayaa sidoo kale ah gudoomiye ku xigeenka ururka saxaafada ee SECJA , waxaanu dhawaan ka hadlay hanjabaadii uu wasiirka madaxtooyada Somaliland uu ujeediyay saxaafada Somaliland.