Hargeysa (Saxilnews):- Guud ahaan saxaafada ka hawl gasha Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysaayaa waxaa maanta la isku yeedhay kulan qado ah oo ka dhici doona Hotel Maansoor.
Kulankan qadada ah ayaa waxaa martiqaadkeeda fidisay wasaarada arimaha dibada Somaliland gaar ahaan wasiirka wasaaradaasi Muddane Sacad Cali Shire .
Kulankan qadada ay xogo aanu helayno waxaa ay sheegayaan in lagaga wada hadali doono wasaarada oo ku soo bandhigi doonta qorshayaasheeda iyo sida ay shaqada iibeynta magaca Somaliland u wado .
Waxaana ujeedka ay wasaaradu ugu soo bandhigayso saxaafada ay tahay sidii ay warbaahintu ugu sii gudbin laheyb caalamka isla markaana qeybteeda ugu qaadan laheyd iibgeynta qadiyada Somaliland
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa soo baxaayey eedo loo soo jeedinaayo hanaanka shaqo ee wasaaradaasi oo lagu tilmaam jiray in noqotey mid fadhiid ah
Fiiro Gaar :- Waxii Faahfaahin Ah Kala Soco Wararkayga Danbe .