Sawirro: Ciidamo ilaalinaya US Capitol, toddobaad kaddib markii la weeraray

0
23
Soldiers stare up at ceiling of US Capitol building

1px transparent line

Hal toddobaad kaddib qalalaasihii ka dhacay xuddunta dowladda Mareykanka, sawir qaadayaasha ayaa baahinaya ciidamada Ilaalada Qaranka ee gaadhka ka haya Capitol.

Sawirrada, oo muujinaya ciidamo tiro badan oo dhooban gudaha iyo bannaanka dhismaha, ayaa gebi ahaanba ka duwan kuwii ay warbaahinta dunida baahisay toddobaadkii la soo dhaafay.

Ugu yaraan 10,000 oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ayaa ilaa Sabtida la geyn doonaa Washington DC saraakiisha booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in tiradaas la laba laabo maaddaama ay toddobaadka dambe dhacayso caleema saarka Joe Biden.

Hundreds sleep in visitors hall of US Capitol
1px transparent line
Soldiers sit inside of visitors area, sitting on supplies including water bottles
1px transparent line
Hundreds of National Guard sleep on the floor

Ciidamada tirada badan ee la dhoobay dhismaha Kongareeska Mareykanka ayaa waxay ku soo aadeysaa wax yar kahor inta uusan Aqalka Wakiillada mar labaad u codeyn xil ka qaadista Madaxweyne Donald Trump, sababo la xiriira inuu ku lug lahaa qalalaasihii toddobaadkii hore.

Mr Trump ayaa waxaa loo codeeyay in xilka laga qaado isagoo lagu eedeynayo kicin. Toban xildhibaannada Jamhuuriga ka tirsan ayaa ku biiray mucaaradka Dimuqraaddiyiinta iyagoo u codeeyay in eedeymo lagu soo oogo.

Taageerayaasha Trump ayaa toddobaadkii la soo dhaafay galay dhismaha Kongareeska Mareykanka, iyagoo halkaasi rabshad ka abuuray.

House Majority Leader Steny Hoyer, Democrat of Maryland, walks past members of the National Guard as he arrives at the US Capitol in Washington
1px transparent line
Hundreds sleep in visitors hall of US Capitol
1px transparent line
Soldiers rest against statue of George Washington

Kaddib markii ammaanka dhismaha la sugay lagana saaray kooxdii weerarka soo qaadday, waxaa la adkeeyay ammaanka iyadoo kumannaan Ilaalada Qaranka ah la geeyay halkaas.

US National Guard soldiers taking a break inside the US Capitol in Washington
1px transparent line
National Guard are distributed weapons outside US Capitol

Joogitaanka ciidamadan ayaa imaanaysa iyadoo si weyn loo cambaareeyay wixii dhacay toddobaadkii hore isla markaana waxaa laga cabsi qabaa in rabshado kale ay dhacaan iyadoo ay soo dhowdahay xafladda caleema saarka Mr Biden ee 20-ka January.

US National Guard riot shields are laid out at the ready outside the Capitol Building
1px transparent line
Soldiers walk in a line outside the US Capitol
1px transparent line

Dhammaan xuquuqda sawirradu way dhowran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here