Sawir Cadho Abuuray Oo Uu Baahiyey Telefishanka Qaranku Iyo Xulka Kubada Cagta Togdheer Iyo tageerayaashooda Oo Cadho Weyn Ka Muujiyey

0
17

Sawir Cadho Abuuray Oo Uu Baahiyey Telefishanka Qaranku Iyo Xulka
Kubada Cagta Togdheer Iyo tageerayaashooda Oo Cadho Weyn Ka Muujiyey
Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa toddobaadkan baahiyey sawirr ay
dareen cadho leh ka bixiyeen xulka Kubada Cagta ee Gobolka Togdheer iyo
Tageerayaashooda iyo Bulshada GobolkaTogdheer Xili uu baahinayey
natiijada kulan kamid ah ciyaaraha gobolada Somaliland oo toddobaadkan
dhex martay Telefishanka Qaranka Somaliland oo isagu si toos ah u baahiyay kullamada
Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee ka socda garoonka kubada cagta ee
Hargeysa Stadium ayaa xili uu baahinayey natiijada kullan dhex-maray xulalka
Sool iyo Togdheer wuxuu soo qaatay oo uu baahiyey astaan iyo Sawirro dad
afrikaan ah oo yaacaya oo badhtanka ugu jira loogada iyo Magaca
GobolkaTogdheer, taas oo aan ahayn astaantii dhabta ahayd ee Hasha iyo
Nirigta ee u gaarka ama lagu garto xulka GobolkaTogdheer, waxaana
Sawirkaas dareen cadho leh ka bixiyey Ciyaartoyga iyo Xulka kubada cagta ee
Gobolka Togdheer iyo Tageerayaashooda iyo guud ahaanba bulshada
Gobolkaas, kuwaas oo ku micneeyey mid lagu sumcad dilayo gobolkaas,isla
markaana sharaftooda meel lagaga dhacay,waxaanay sheegeen inuu
Telefishanku baahiyey Sawirr lagu aflagaadayno xulkaas, kaas oo aan ahayn
astaantoodii Hasha iyo Nirigta ahayd
Qaar kamid ah Tageerayaasha Xulka Gobolka Togdheer ayaa fariimo kale
duwan oo ay kaga dareen celiyeen baahinta uu Telefishanka Qaranku
baahiyey Sawirkaas meel ka dhaca iyo sharaf dilka ku ah Xulka Gobolka
Togdheer ku baahiyey Baraha Bulshada kuwaas oo ahaa qaar ay ku
muujinayaan inay ka xun yihiin Sawirkaas aflagaadada iyo dacaayada ahaa ee
uu Telefishanka Qaranku ka baahiyey xulkaas, waxaanay ku macneeyeen inuu
ahaa mid loo badheedhay ee aanu ahayn mid si khalad ah loo baahiyey,iyagoo
ku baaqay in sharciga la marsiiyo cidii falkaas ka dambeysa ama ku baahisey
Telefishanka Qaranka Somaliland .
Dhanka kalene Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa qoraal uu baahiyey ku
sheegay inuu raaligelin ka bixinayo khaladkaas oo uu ku tilmaamay mid aan
loo badheedhin , balse uu ahaa mid dhanka farsamada ah, kaas oo u dhignaa
sidan :-“Waxaanu ka raali gelinaynaa Sawirr khalad nooga raacay astaanta
gobolka Togdheer Shalay, Sidaa dartee waxaanu ka raali gelinaynaa
Maamulka Gobolka Togdheer,Ciyaartoyga iyo shacab weynaha gobolkaas
khaladkaas oo ahaa mid farsamo oo aan ku talogal ahayn .”Ayaa lagu yidhi
war-qad qoraal ah oo lagu baahiyey barta Facbuuga ee Telefishanka Qarank

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here