SARKAAL CIIDAN OO LA DHASHAY MADAXWEYNIHII HORE EE SOMALIYA CABDILLAHI YUSUF AXMED OO QARAX LALA BEEGSADAY

0
15

Gaalkacayo(Saxilnews.com)-Sarkaal ka tirsan Laanta dambi-baadhista Puntland ee C.I.D, ayaa maanta oo Talaado ah ka badbaaday qarax lala beegsaday gaadhigiisa xilli uu marayay badhtamaha magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.

 

Sarkaalkan oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxa la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxa, inkastoo Qaraxaas uu burbur gaadhsiiyay gaadhigiisa.

Laamaha Amniga Gaalkacyo weli faahfaahin kama bixin Qaraxa lala eegtay sarkaalka, oo magaciisa lagu sheegay Warsame Yuusuf Axmed (Yeey).

Waxa xusid mudan, in saraakiil ka tirsan Booliiska oo warbaahintu xidhiidh la samaysay ay ku gaabsadeen in baadhitaan lagu wado dhacdadan, islamarkaana aysan hadda ka hadli Karin.

 

Sources puntlandpost.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here