Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Si Cad Looga Hor Istaagay Saldhiga ,Xili Ay Ku Booqanayeen Laba Masuul Oo Ku Xidhan Saldhiga + Dareenka Ku Xeeran 

0
26
Hargeysa(Saxilnews)Saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maanta isku dayey inay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ku booqdaan laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo maalinkii labaad ku xidhan magaalada Hargeysa ayaa ciidamada Booliska saldhigaasi ka hor istaageen inay booqdaan labadan masuul.

Labadan masuul ee xidhan ayaa kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Cabdilaahi “Dhamme” iyo xoghayaha Ciyaaraha xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo ay shalay ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen.

Waxaana masuuliyiintan maanta isku dayey inay saldhiga ku booqdaan Maxamed Dhamme iyo Yoonis hogaaminayey xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ay hareero socdaan saraakiil ka tirsan xisbiga.

Waxaana markii ay gaadheen saldhiga ay ciidankii ilaalada Saldhigu ku wargeliyeen inaanay booqan Karin isla markaana uu amarkan yahay mid kaga yimi  xagga sare oo aanay carabaabin,waxaana masuuliyiintan sidaasi looga hor istaagay inay booqdan labadan Masuul ee maalinkii Labaad ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo aanay ilaa hadda ka hadal Taliska Boolisku sababaha ay u xidheen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here