“SALEEBAANOW SANADKAA SHARCI DARADA AH HALAGA KORDHIYO,HADAAD TIDHI WAXAAD KA HORTIMID SOMALILAND

0
29

Xoghayaha Guud ee XCisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa, luuqad adag kula hadley Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,oo uu uga digay in uu ku kaco talaabo sharci daro ah oo ka baxsan Mudadii Xisbiyada Qaranka,Xukuumada Labada Gole Qaran ee (Guurtida-Wakiilada),iyo Komishanka Doorashooyinku isla qaateen iyo waliba deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiya arimaha Doorashooyinka taas oo uu ku sheegay in nidaam farsamo la isula qaatey. Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi(Uurcade),oo shabakada Wararka hadhwanaagnews ugu waramey isagoo ku sugan Caasimada Hargeysa,ayaa Gudoomiyaha Golaha Guurtida si adag ugaga digay in uu ku kaco talaabo ku kooban sidii ay mudada u kordhisan lahaayeen isaga (Gudoomiyaha-Guurtida) Saleebaan,iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo sida uu hadalkiisa u dhigay,waxaanu Xoghayaha Guud ee

Xisbiga Wadani hadalkiisa ku suntey in aanay suurtagal aheyn in Saleebaan iyo Siilaanyo wado kaliya wada maraan shacabka Somaliland iyo haldoorka dalkanina meel kale maraan. “Waxaad ogtihiin oo umada Reer Somaliland ogtahay in mudo aan sharci aheyn oo sharciga ka baxsan in ay aheyd in xil gudasho la,aan lagu qaado Xukuumada oo ay ku qaadaan labada Gole gaar ahaan Golaha Guurtida ee Saleebaan Gudoomiyaha u yahay in ay Gudan waayeen in ay 26ka juun ee sanadkan doorasho ka qabataan dalka ayaa, Shacabka Somaliland Xisbiyada Qaranka, Komishanka la ogolaadey in lixdaa bilood ee farsamada ah ee sharci darada ah ee qasabka ah,markii aanu taa aqbalney ee aanu ogolaanay,ma aha in uu Saleebaan hadana laabta u tumo oo mudo intaa ka badan korodhsado cidna ka yeeli mayso,Gudoomiye adaa ugu da,weyn dadka dalkan leh ee xilalka haya masuuliyad qaranbaa ku saaran umadani kaa yeeli mayso kaana aqbali mayso dalkaan duminayaa si aanu sanad iyo badh aniga iyo Siilaanyo u korodhsano kadaa kadaa ayaanu ku leenahay intaa ay umadu aqbashey ee aad adigu sexeexday ee lixdaa bilod ee sharci darada ah ee aad nagu gaadhsiisay sanadka ee Siilaanyo nagu gaadhsiiyay ee aad iskugu tagteen hadii sanadkaa sharcida ah aad tidhaahdo nagu filaan maayo oo waxaanu ku darsaneynaa mudo kale waxey u muuqaneysaa Caalamkii iyo Somaliland waan ka hor imid,waxaanan eeganayaa Kursigeyga iyo Kursiga Siilaanyo,umaduna kaa aqbali mayso”Ayuu Yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Uurcade. Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa. “Cid kasta oo ka hadashaa xaq bay u leeyihiin mudo sharci daro ah oo loo sameeyo Xukuumadan,waxaanay shacbigu arkayaan tacadiga waxay arkayaan sanadka sida lagu gaadhsiiyay umada ee Madaxweyanaha ee xil gudasho-la,aan lagu qaadi lahaa,waxey ka digayaan dhibta soo socota waana talaabo loo baahan yahay maanta cd kasta oo ka daba hadashaana waa shakhsiyaad aan karaamo ku laheyn umada oa aan maanta la dhageysaneyn”Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi(Uurcade). Waxa kale oo uu ka hadley Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani in aanay Xukuumad hagaagsani jirin maanta sida uu hadalkiisa u dhigay maadaama ay ka tageen Siyaasiyiin badan oo miisaan lahaa inta garaadka qabta ee kujirtaana yaaban yihiin,isagoo xusay in Mujaahid Jidhif iyo rag kale oo Miisaan lihi ay kamid yihiin aasaasayaasha Xisbiga Wadani laakiin, aanu jirin xidhiidh ay lasoo sameeyeen Siyaasiyiin dhawaan kasoo baxey Golaha Xukuumada oo iska casilay xilalkii ay hayeen khusuusana Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,iyo Abiib Diiriye Nuur oo uu ku tilmaamay in ay wali kamid yihiin Xisbiga Kulmiye ee dhawaan sadex jinaax usii kala jabi doona. Gabagabadiina waxa uu xusey in Xisbiga Wadani Shir adag ka yeesheen, sidii looga hortagi lahaa Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada Siilaanyo. Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here