Khartoum(saxilnews.com)-Safiirkii Ruushka ee dalka Suudan Mirgayas Shirinskiy ayaa meydkiis laga helay barkada dabaasha oo Gurigiisa Ku dhextaala magaalada Khartuum ee dalka Suudaan maalintii Arbacada shalay, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska dalkaasi Sudan.
Saraakiisha ayaa sheegay in markii ay arkeen arintan si deg deg ah goobta u soo gaareen dhaqaatiir caafimaad, kuwaa oo baadhitaanno ku sameeyay jirka meydka safiirka.
Shirinskiy, 62 sano jir ahaa ayaa la sheegay in uu qabay cudurka dhiig karka iyo cuduro kale oo oo loo malaynayo inay geeridiisa sababeen.
December sanadkii hore ayeey aheyd markii qof hubeysan uu toogasho ku dilay safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga xili uu khudbad ka jeedinayay munaasabad farshaxan, iyadoo qofka toogashada geystay oo ahaa nin dhalinyarro ah ku dhawaaqayay erayo ay ka mid ahaayeen ‘’ Ma hilmaami doonno xasuuqa Aleppo iyo ma hilmaami doono Syria.’’
Wasaaradda Arrimaha dibadda Sudan ayaa ka tacsiyadeysay geerida Safiirka, waxaana ay ku bogaadisay dadaalkiisa diblomaasiyadeed.