SAFIIRKA SOMALILAND UFADHIYA JABUUTI OO DALKA KEENAY WAFTI CHINESE IYO DAREENADA KA DHASHAY SAFARO QARSOODI AH OO AY KU TAGEEN GOOBO MUHIIM AH!

0
17

Hargeysa(saxilnews.com)-Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Jabuuti Ambasador Cabdifataax Ayaa horaantii todobaadkan dalka keenay wafti shiinaha ah kuwaasi oo aan si cad loo shaacin ujeedada uu daaran yahay  socdaalkoodu.

 

Waftigan dalka shiinaha ka socday oo kamid ah shirkadaha ka hawlgala dekeda jabuuti islamarkaana uu horkacayay safiirka Somaliland ujooga dalka jabuuti Amb Cabdifataax ayaan ujeedada safarkooda si cad loo shaacin iyagoo booqasho ku tagay dekeda caalamiga ee berbera wali ku sugan caasimada Somaliland ee hargaysa.

Sidoo kale xogaha laga helayo waftiga shiinaha ee uu horkacayo Safiirka Somaliland ufadhiya jabuuti ayaa la sheegay in booqasho  qorsoodi ah ku tageen meelo kale oo Somaliland.

Dhanka kale wararka laga helayo wakhtigan shiinaha ee uu horkacayo safiirka Somaliland ujooga jabuuti ayaa sheegaya in ujeedada waftigan ay ka dhasheen dareeno shaki abuuray kuwaasi oo la xidhiidha sobobta shirkadaha shiinaha jabuuti ka hawlgala ay wakhtiga xaadirkan  Somaliland uyimaadeen xili ay taagan tahay xurgufta siyaasadeed ee udhaxaysa Somaliland iyo dalka shiinaha kadib markii Somaliland xidhiidh diblamaasiyadeed la yeelatay dalka Taiwan oo shiinuhu si xoogle uga cadhooday islamarkaana waftigii ka socday shiinaha ee bishii hore madaxwaynaha Somaliland la kulmay ay isku afgaran waayeen dalab uu shiinuhu somaliland usoo jeediyay oo ahaa in ay ka noqoto xidhiidhka ay la samaysay Dalka Taiwan balse xukuumada Somaliland ay ku gacan saydhay maadama dawlada shiinuhu ay gacan saar dhow la leedahay maamulka muqdisho  kana soo horjeedo madaxbanaanida Somaliland.

Arimaha kale ee bulshada reer Somaliland hadalhaynta ku abuuray ee la xidhiidha waftiga shiinaha ee uu horkacaya wakiilka Somaliland ujooga jabuuti oo kusoo beegmaysa maalmo ka hor markii xukuumada Somaliland ka laabatay heshiish ay la gashay shirkad Chinese ah oo doonaysay in geed sun ah ka beerto mashruuca banka wajaale  ayaa waxa kamid ah waydiimaha ka dhashay  waftigan shiinaha ee safiirka Somaliland ujooga jabuuti horkacaya mawaxay usocdaan sidii ay xog uga heli lahaayeen dekeda berbera ee oo ay gacanta ku hayso shirkada DPW Ee dawlada jabuuti dekedeeda kasoo caydhisay qorshe lagu basaasayo? Waxa ka socday madaama ay dawlada jabuuti la ogyahay sida ay uga soo horjeedo madaxbaanida Somaliland iyo horumar ka tisqaaday! Mase la odhan karaa ujeedada waftiga shiinuhu waa mid shirqoolo qarsoon loogu maleegayo Somaliland!

Dhanka kale waxaa gabi ahaanba beenoobay heshiishyo ay Somaliland hore ula galeen shirkado Chinese ahi kuwaasi oo ay kamid ah tahay baankii shiinaha ee heshiishka la sexeexday wasaarada maalgashiga Somaliland oo gabi  ahaanba la waayay meel uu jaan iyo dhicib dhigay, Singa poor silink oo iyaga aan dib loo arag heshiishkii ay la gashay Somaliland iyo dhalinyaradii shaqo qaran ee ay ka ururisay baasa portka oo la wayay.

Maxaase lagu aamini karaa qorshaha ay hada wadaan waftiga shiinaha ee uu horkacayo ambassador cabdifataax?

Majirto warar rasmi ah oo kasoo baxay ujeedada waftigan shiinaha ee safiirka somalland ujooga jabuuti horkacaya uyimaadeen Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa warka ay kasoo saarto xukuumada Somaliland ee la xidhiidha waftiga shiinaha ah ee uu horkacayo wakiilka Somaliland ufadhiya jabuuti.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here