SAFARKA MADAXWAYNAHA SOMALILAND EE DALKA MARAYKANKA IYO QORSHAHA CUSUB EE MARAYKANKU BARIGA AFRICA KA LEEYAHAY!

0
18

Hargeysa(saxilnews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa casuumad ka helay dalka maraykanka, waxaana ay ku tegayaan safar aan la sheegin mudada uu qaadan doono iyo ujeedooyinka loo tagayo midna.

 

 

Dalka maraykanka ayaa aad moodaa in uu usoo jeedo Geeska Africa iyo guud ahaan bariga Africa, sababta oo ah maraykanku Waxa digniino culus iyo hanjabaado dul dhigay sidii ay Doorashooyinka jamhuuriyada federaalka soomaaliya u dhici Lahaayeen oo uu ilaa hadda daba taagan yahay.

Waxa kale oo uu maraykanku aad u daneynayaa Doorashooyinka madaxweynaha ee 9 Aug 2022 dalka Kenya ku Soo fool leh ,waxa dalka maraykanka casuumad ka helay Madaxwayne ku xigeenka Kenya William Ruto oo isku soo Maray USA iyo UK waxa aanu dawlada maraykanka kala hadlay Qorshihiisa hogaamineed ee doorashada 9 Aug 2022 dalka Kenya ka dhacaysa oo u taagan yahay madaxwayne.

 

William Ruto waxa kale oo uu ka hadlay isaga oo machadka csis Wareysi siiyey qorshihiisa hogaamineed dawlad wanaaga , dimuqaradiyada iyo ku dhaqanka sharciga iyo dastuurka dalka Kenya in uu yoolkiisu yahay, hadal jeedin uu London ka jeediyey machadka Chatham House na sidoo kale , waxa uu naqdiyey siyaasada hogaamineed ee Uhuru iyo qorshihiisa uu rabo in Odinga ku taageero .

Waxa hadana soo baxay martiqaadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka helay dalka maraykanka, waxaa la rajeynayaa in madax kalena ay tagi doonaan bisha dambe oo Bariga Africa u badani waxaana la leeyahay waxa loo soo laqimayaa qorshe cusub oo uu dalka maraykanku wato .

;

Maraykanka waxa safar miisaan culus ku tagey madaxweynihii Hore ee jamhuuriyada Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo Xiligaasi ku soo guul dareystay in uu ku qanciyo in dalka Maraykanku Jamhuuriyada Somaliland aqoonsado amaba Taageero qorshayaasha kale ee uu ula tagey madaxwayne Cigaal.

Waxa noqday madaxweynihii labaad ee dalkaasi maraykanka taga madaxwayne Daahir Rayale Kaahin sanadkii 2007 oo dalka maraykanka casuumad rasmi ah ka helay , xiligaasi maraykanku waxa uu ku hawlanaa dagaaladii uu kula jirey Al-Shabaab iyo Budhcad badeeda soomaaliya oo uu Somaliland na u arkay mandaqad ka bad-baadey masiibo Geeska Africa ku habsatay.

Sidoo oo kale waxa dalka maraykanka safar ku booqday xili ay doorashooyin soo dhow yihiin madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo xiligaasi ahaa hogaamiyaha mucaaridka ugu awooda badan, barigaasi maraykanka iyo dawlado badani waxa ay danaynayeen in dalka Somalia qorshe dib loogu soo kicinayo la sameeyo in lagala hadlayna waa macquul.

Safarka madaxwayne Muuse Biixi ee xiligani ayaa aad moodaa mid ka duwan safaradii madaxdii hore , waxaana markan ay u eeg tahay in dalka maraykanku usoo jeedo in jamhuuriyada Somaliland wax la qabto maadaama oo ay soddon sanadood ka badbaaday dhibaatooyinka dawlad la’aanta , argagixisada iyo budhcad badeedii ragaadisay Gobolka Geeska Africa.

Sidoo kale waxa ay jamhuuriyada Somaliland kaalin wanaagsan oo mug leh ka ciyaartay dimuqaradiyada iyo hanaanka doorashooyinka oo waxa lagu tilmaamaa in uu yahay dalka ugu wanaagsan bariga Africa, sidoo kale dalalka guud ahaan qaarada Africa ugu horeeya arimahaasi.

Arinta sadexaad ee ugu muhiimsan xiligani loona malaynayo in dalka maraykanku Jamhuuriyada Somaliland u danaynayo xiligani ayaa ah in dalka maraykanku uu rabo in uu ka hortago waxan loogu yeedhay is-balaadhinta China ( China expansion policy) oo guud ahaan gobolkani intiisa badan dalka China uu soo degay.

Isku soo wada xoori Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka maraykanku waa mid aad uga macno iyo miisaan culus safaradii hore , sidoo kale xiliga uu ku soo beegmayna waxa ay muujinaysaa xili dalka maraykanku uu rabo in uu sameysto xulafooyin siyaasadeed soona ceshado saaxiibadiisii hore sida uu madaxwayne Biden sheego marwalba.

Safarkani waxa uu u yahay jamhuuriyada Somaliland iyo waftiga Madaxweynahaba muhiim waxyaabaha lagala hadli doono ama ay Somaliland ku faani doonto ayaa noqon kara ;

1;Amniga iyo sida Somaliland oo aan cidi caawinin Gobolka Geeska Africa kaalinta qiimaha leh ugaga jirto .

2;Hanaanka dimuqaradiyadeed iyo doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland ee qof iyo codka ah oo ilaa 8 doorasho marka laga reebo aftidii dastuurka ee 31-May-2001.

3;ku dhaqanka iyo ilaalinta xeerarka iyo dastuurka dalka iyo waxa uu xambaarsan yahay gaar ahaan qaybaha xuquuqaha ( Bill of rights).

4;Xoriyada iyo madaxbanaanida saxaafada iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.

5;Ahmiyada istaratijiyadeed ee goobta ay Somaliland ku taallo bad iyo bariba iyo sida ay aduunka muhiimka ugu tahay iyo waliba sida ay Somaliland oo aan la aqoonsanayn cidina caawinin uga qayb qaadato xasiloonida Gobolka, badacas iyo waxwalba oo muhiim u ah aduun weynaha.

6;Kaalinta diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee ay Somaliland ka qaadato xaaladaha Gobolka Geeska Africa iyo Xurgufihii siyaasadeed ee khaleejka carabta.

QALINKII HOGAAMIYE Mohamed Abdi Jama(Mahamed Dhimbil)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here