Sergio Ramos waa 34 sanno jir ah u soo ciyaaray Real Madrid in ka badan 15 xilli ciyaareed. Waxa uu kooxda kaga soo biiray Sevilla markii uu ahaa xiddig mustaqbal leh, wuxuuna haatan baxayaa isagoo koobab badan la guuleystay islamarkaana goolal taariikhi ah kooxda u soo dhaliyay inkastoo uu daafac yahay.
Daafaca reer Spain ayaa dalab ka helay madaxweynaha kooxda Florentino Perez kaasoo ahaa inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, laakiin waa uu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo Los Blancos.
Warbaahinta Isbaanishka ayaa sheegeysa in Ramos uu aad uga careysan yahay tababare Zinedine Zidane iyo madaxweyne Florentino Perez, waxayna sheegeen in la soo gaaray waqtigii uu soo gabagabeyn lahaa ka mid ahaanshihiisa kooxda.
Sababta uu Ramos uga careysan yahay tababaraha iyo madaxweynaha ayaa ah inuu aaminsan yahay inay kooxda si xun u la dhaqantay isaga.
Madaama uu yahay kabtanka iyo xiddigii ugu muhiimsanaa kooxda 10kii sannadood ee ugu danbeeyay, Ramos ayaa ku qasbanaaday inuu sugo ilaa iyo bisha Janaayo in miiska loo soo saaro qandaraas cusub, taas ayaana ka careysiisay.
Waxa uu filanayay in dhowr bilood ka hor wadahadalo lala bilaabo, wuxuuna talaabadaan u arkaa inaysan jirin kalsooni ay maamulka kooxda isagu ku qabaan.
Qandaraaskiisa ayaa dhacaya bisha Juun ee sannadkan 2021, magaciisa wuxuu ka soo muuqanayaa liiska xiddigaha sida xorta ah lagu heli karo lix bilood ka dib, taas ayuuna dhibsaday.
Ramos waxa uu haatan awoodaa inuu koox kale heshiis hordhac ah la gaaro, iyadoo PSG iyo kooxaha ka dhisan horyaalka Mareykanka ee MLS ay xiiseynayaan saxiixiisa.