Sababta Ay Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal & City Lacag Badan U Qarashgareyn Doonin Maanta Oo Suuqa Kala Iibsiga Uu Xirmayo Oo La Sharaxay

0
29

Suuqa kala iibsiga Janaayo oo xirmaya caawa oo Isniin ah ayaa sidii laga filayay waxa uu noqday midkii ugu caajiska badnaa ee Premier League uu arko abid.

Xilli ciyaareed ay ka buuxaan waxyaabo lama filaan ah, tani ma aheyn lama filaan.

Dabcan heshiisyo qaar oo la dhameystirayo saacadaha ugu danbeeya suuqa kala iibsiga, amaahyo qariib ah iyo ciyaartoy la iska fasaxayo intabada waa ay dhici doonaan.

Laakiin kooxaha waa weyn ee Premier League ayaa garwaaqsaday in lagu jiro xaalad xun oo cudur uu aafeeyay dunida taasoo dhaqaale xumo ku abuurtay kubada cagta, sidaasi darteed waxay ka caga jiidayaan inay sameeyaan saxiixyo waa weyn.

Manchester United ayaa sameysay saxiixii ugu weynaa ilaa iyo haatan iyagoo dhameystiray heshiis 37 milyan ginni ah oo ay Amad Diallo kala soo wareegeen Atalanta inkastoo heshiiska la isku raacay xagaagii halka Aston Villa ay 14 milyan ginni ka soo bixisay xiddigii Marseille Morgan Sanson.

Marka intaas laga soo tago, heshiisyada waxay iska ahaayeen kuwa aan micno badan laheyn.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay u dhameystirto saxiixa daafac dhexe sababtoo ah dhibaatada dhaawacyo ee ay ku jirto, waana ay iska cadahay inaysan dooneynin inay lacag badan qarashgareeyaan.

Sababtana waa mid la wada ogsoon yahay.

Kooxaha waxay walwal ka qabaan inaysan ogeyn waqtiga wax walba ay si caadi ah ku soo laaban doonaan.

Lama beeninayo in kooxaha ay moodayeen in dhibaatada cudurka ay dhamaatay xagaagii hore iyadoo Chelsea ay qarashgareysay in ka badan 200 milyan ginni halka Arsenal ay saxiix weyn oo Thomas Partey ah ay sameysay iyo si la mid ah saxiixyo kale oo waa weyn oo horyaalka ka dhacay.

Lacagta ay kooxaha Premier League qarashgareeyeen waxay aheyd mid ka badan hal bilyan ginni.

Laakiin bishaan Janaayo kubada cagta waxay ogaatay xaalada dhabta ah ee lagu jiro, sidaasi darteed waa dhif iyo naadir in heshiisyo ay dhacaan xitaa maanta oo uu suuqa kala iibsiga soo xirmayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here