Saalax Iyo Dhaawaca Nolosha

0
25

Saalax iyo Foosiya waxaa arooskoodii laga joogaa muddo laba sannadood ah, waxaana dadku labadoodaba weydiiyaan su’aalo aan kala go lahayn goor kasta ay kulmaan in jidka lagu soo jiro, markastana waxay Saalax iyo Foosiya ku jawaabaan wali ilaahay ayaan qadarin wuuna iska imaan doonaa, hasa yeeshee Foosiya ayaa waxay in badan Saalax ka codsatay in ay dhakhtarka tagaan oo ay isbaadhaan, Saalax isagu markasta wuxuu xaaskiisa ku samirsiinayey in wali ay isku cusub yihiin isla markaana ay samirka badiyaan wixii ilaahay qorayna aanay baaqanayn.

Foosiya oo iyadu aad u jeclaystay in ay mar uun hooyo noqoto oo ay ilmayar dhabta ku qabsato ayaa waxay Saalax in badan ku celcelisay in ay dhakhtar u tagaan si ay isu soo baadhaan, Saalax oo hadalo badana soo gaadheen waxay isaga iyo Foosiya isla garteen in ay baadhitaan sameeyaan, waxayna aadeen dhakhtar ,xilligii natiijada ayaa waxa Foosiya ku soo habsaantay Dugsi ay wax ka dhigi jirtay, waxaana dhakhtarkii uga soo hormaray Saalax oo ay ku balan sanaayeen in ay isugu yimaadaan xaruntii baadhitaanka lagu sameeyey.

Saalax waxa uu u galay Dhakhtarkii ,wuxuuna Dhakhtarkii u sheegay Saalax in uu isagu caafimaad qab hasa yeeshee aanay xaaskiisa Foosiya dhalayn oo ciladu xaggeeda tahay.

Saalax waxa markiiba ku gedaamay murug oo xaaskiisii uu jeclaa la yidhi ma dhalayso, wuxuuna galay feker iyo xaalad cusub isaga oo ka xun warka uu maqlay, wuxuuna aad isaga iyo naftiisu uga doodeen sidii Foosiya qalbigeeda loo ilaalin lahaa isla markaana warkan aan iyada niyada u wanaajinayna looga qarin lahaa, si isla noolaanshahoodu u sii waaro.

Markiiba Saalax maankiisa waxaa ku soo dhacday fikrad wuxuu go’aansaday in uu dhakhtarka ka codsado in aanu Foosiya u sheegin in iyadu aanay dhalayn oo ciladdu xaggeeda tahay, wuxuuna dhakhtarkii u sharaxay sida uu xaaskiisa u jecel yahay iyo sida uu u rabo in aanay Foosiya warkaasi u-maqlin, wuxuuna dhakhtarkii ku yidhi waxaad xaaskayga u sheegtaa haday inoo iimanaysaaye in aanan anigu dhalayn oo cilladu xagayga tahay.

Foosiya oo dugsigii ay dhigi jirtay ku soo daahday tahay ayaa xaruntii caafimaadka soo gaadhay markiiba waxay hore ugu gudubtay qolkii Dhakhtar oo uu Saalax-na ku sugan yahay, salaan ka dib waxay aad u xiisaynaysay in ay ogaato natiijada baadhitaanka iyada oo wer-wer iyo war wanaagsanba maankeeda uu dhex miranayo ayaa dhakhtarkii u sheegay in ciladu ka jirta dhinaca Saalax isla markaana aanu hadda u muuqan rajo dhalmo oo xagiisa ah ilaahay oo gadaal raxmadiisa ku manaysta moojaane.

Saalax wuxuu muujiyey murugo iyo sida uu warkaas uga wer-werayo , wuxuuna ilaahay ka baryey in uu naxariistiisa caafimaad ku siiyo ubad- na ugu manaysto, Foosiya warkaas murugada leh way ka naxday haddana mar hadaysan ciladii iyada lagu sheegin qalbigeeda Murigada uu mujiyey Saalax muumuujin, waxayna guda gashay in ay Saalax u caqli celiso iyada oo u sheegtay in ay nolosha la wadaagayso oo aanay arrintani wax isbadel ah ku keenayn jacaylkoodii iyo naxariistoodii,waxayna ku noqdeen gurigoodii.

Muddo yar kama soo wareegin markii warkii ku faafay qoysaskoodii iyo asxaabtoodii in Ciladu Saalax tahay oo aanu dhalayn Foosiyana ay tahay gabadh iyadu Caafimaad qabta, muddo 4 sanno ah markii ay ka soo wareegtay ayey Foosiya waxay doontay in ay Saalax ka codsato kol haddii aanu dhalayn in uu iska fasaxo, muddo 6 sanno ah oo ay wada noolaayeen waxay u aragtay in ay Saalax la noolaatay xilli ay fursad siisay, waxayna u soo bandhigtay Saalax in uu iska fasaxo maadaama ay muddadaa soo dhabar adeegtay, hadalkii dadkuna raad ku yeeshay in ay tahay gabadh caruur dhali lahayd haday nin kale guursan lahayd.

Dood dheer ka dib waxay Foosiya hadalkii ku soo goysay in ay Saalax Sannad kale la sii noolaan karto ka dibna haddaanay wax natiijo ahi imaan uu iska fasaxo, isaguna waa uu ka ogolaaday , hasa yeeshee Saalax wuxuu intaa ilaahay ka baryaa in uu Xaaskiisa u caafimaadiyo oo culaysku ka qaadmo.

Sanadkii intii aanu dhamaan ayaa Foosiya waxaa haleelay xanuun aanay filanayn waxaana markaliya loo sheegay in labada Kalyood aanay shaqaynayn , haddaan degdeg wax looga qabana ay adkaanayso nolosheedo, Foosiya markiiba waxaa maskaxdeeda ku soo kulmay caruur la’aan iyo xanuun xun oo la soo gudboonaaday, waxayna inbadan iyada oo isla sheekay-sanaysa canaan iyo hiif u jeediysay Saalax oo ay leedahay Caruurna ma haysid cudurna waa kuu raacay , Saalax ayaa wax walba ku seejiyey haddaad caruur dhalilahayd intaanu cudurkani kugu dhicin oo aad arki lahayd caruur aad dhashay, walbahaarkan lamaad noolaateen.

Qorshihii Foosiya hadda waa isbadelay waxa kaliya ee hadda laga fekerayaa waa sidii loogu heli lahaa Kali maadaama labadii kalyood shaqadii gabeen, Foosiya muddo kolkii mashiinka dhiiga lagu sifiiyo Kal-yahana lagu dhaqo ay todobaadkii sadex jeer ku noqnoqnaysay waxaa ka sii dartay xaaladeedii, waxaana loo baahday in deg deg loo badbaadiyo, Saalax waxa uu dhakhtarkii u sheegay in uu diyaar u yahay in uu isagu kalidiisa xaaskiisa u saaro , waxaana la guda galay in laysu eego in ay qaadan karto, Dhakhtaradii waxay u sheegeen in uu isagu ugu deeqi karo, oo ay qaadan karto xaaskiisu kalidiisa.

Saalax marna kuma fakerin in uu dib u dhigo in uu xaaskiisa uu jecel yahay ugu deeqo Kalidiisa wuxuu u sheegay xaaskiisa in uu isagu diyaar u yahay in uu Kalida u bixinayo , waxay markiiba dhakhaatiirtii u diyaariyeen Foosiya qaliin waxaana lagu guulaystay in Kalidii Saalax loo galiyo oo ay ku caafimaado Foosiya.

Muddo markii ay ka soo wareegtay qaliinkii Foosiya caafimaadkeeduuna taam noqday ayey waxay mar kaliya dareentay xanuun aanay hore isugu arki jirin wareer iyo matag waxayna Saalax iyo Foosiya isu raaceen xarun caafimaad , baadhitaan ka dib waxaa loogu bishaareeyey Saalax iyo Foosiya in ay aabe yio hooyo noqon doonaan oo ay Foosiya ilmo sido, Foosiya waxaa ka farxad badnaa Saalax , oo baryadii ilaahay samirkiisii iyo marxaladihii uu soo maray iyo jacaylkii uu u qabay xaaskiisa Foosiya ugu danabayntii guul ka gaadhay.

Saalax maalin kasta oo dhacdo la soo gudboonaato wuxuu ku qori jiray buug uu xasuus qor ussamaystay, hada yio jeerna xaaskiisa wuu ka qarin jiray ,haday aragtana wuu ka balfin jiray si aanay u sii fiirin, maalin maalmaha ka mid ah Foosiya oo wiilkeedii curad iskala ciyaaraysa ayaa waxay aragtay buugii xasuus qorka ahaa oo uu ka tagay Saalax oo uu ilaaway , waxay guda gashay in ay rog rogto oo ay akhrido, waxaa kaga so baxay qoraalo ay u qaadan weyday oo ay la ilmaysay, waxay ogaatay in ay iyadu ahayd qofka uu ku shegeay Dhakhtarku in aanu dhalayn, waxayna la sii yaabtay sida uu Saalax arrintaas u maareeyey, waxay maskaxdeedu soo celisay filimkii marxaladihii ay soo mareen iyo culayskii Saalax la soo gudbay indhaheeda waxaa ka soo buqanayey markasta oo ay warqad rogto ilmo qoysay dharkeedii.
Saalax kolkii uu ku soo noqday gurigii waxa Foosiya kala hotagtay oohin iyo shucuur ay ku dheehan tahay qadarin, waxayna u sheegtay in ay ogaatay waxkasta oo uu ka qarin jiray.

Way badan yihiin dad badan oo maray waddo kasta oo ay ku raali galinayaan qof ay jecelyihiin , wayna jiraan dad badan oo ifka lagu imtixaamay , markabka nolosha ee badweynta ay mawjahada iyo hirarka waaweyn ka kacsan yihiin-na si geesinnimo iyo xikmadi ku jirto u hogaaminaya.

 

 

 

 

 

 

 

 

WWW.Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here