Warka ROODA CABDI MUUSE OO KA MIDA QURBA JOOGTA XISBIGA KULMIYE OO LAGU SOO DHAWEYEY MAGALADA HARGAYSA By editor - September 16, 2017 0 18 FacebookTwitterPinterestWhatsApp Hargaysa:-() Masuuliyiin ka tirsan Garabka Haweenka, Garabka Dhalinyarada iyo Kaadiriinta Xisbiga Talada Dalka Hayaa ee Kulmiye ayaa Dalka si balaadhan ugu soo dhaweeyay Marwo Rooda Cabdi Muuse oo kamida masuuliyiinta xisbiga talada dalka hayaa ee Kulmiye oo Bilihii ugu dambeeyay Socdaal ugu Maqnayd Dalka Dibadiisa , waxaana ujeedada socdaalkedu Daarna daardaargelinta Ololaha Xisbiga Kulmiye. Ugu Horeyn Waxaa Madasha soo dhaweynta ka hadley Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan waxaanu sharxaay ujeedka iyo socdaalka dalka ee Rooda Cabdi Muuse waxaana kamid ahaa hadaladiisi sidan “ Waxaan maanta halkan kusoo dhaweynaynaa Qof firfircoon oo door laxaad leh ka qadaan doono Ololaha Xisbiga Kulmiye oo Aanagu qurbaha uga yeedhnay oo aanu ku Nidhi hore noogu Kalaay waxaanu leenahay Rooda Cabdi Muuse soo dhawoow “ Dhanka kale Xildhibaan Xasan Shahar ookamidaxildhibaanada Golaha Deegaanka ee Xisbiga Kulmiye ayaa isna halkaaska jeediyay hadal kooban waxaanu soo dhaweeyay Rooda Cabdi Muuse “ walaasheen rooda cabdi muuse oo muddo inaaga maqnayd oo inbadan aynu tabaaynay islamarkaana si Heer qaran ah aynu maanta usoo dhaweynaay waxaananu leenahay hawlbadan ayaa inoo taala waxnaan hubna inaanu hawlbadan kaaga naasan doono kusoo dhawoow Dalkaagii, kusoo dhawoow Xisbigaagii “ ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Shahar Sidoo kale La Taliyaha Saxaafada ee Madaxweyaha Somaliland Khadar Cali Gaas ayaa isna hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay madasha lagu soo dhaweeyay Rooda Cabdi Muuse waxaanu sheegay inu ku faraxsanyahay soo Noqoshaada Rooda Cabdi Muuse “ Soo dhaweyn ayaay inaaga mudantahay Rooda Cabdi Muuse, wanaan ku faraxsanahay maanta inay dalka dib ugu soo laabto waxnaan ku leeyahay kusoo Dhawoow dalkaagii iyo Dadkaagii oo ku helaan “ Gabgabadiina Rooda Cabdi Muuse oo halkaas Khudbad ka jeedisay ayaa uu Mahadnaqday dhamaan taageerayaasha xisbiga talada dalka hayaa ee kulmiye waxaanay sidoo kale Foolxumo ku tilmaamay shirqool ay soo abaabuuleen xisbiga waddani oo lagu waxyeelayaay soo dhaweynteedii Garoonka Diyaaradaha Hargeysa waxaana kamid ahaa hadaladeedii “ soo dhaweyntiini maanya waa ay ii dhiirigelinaysaa waxaan ballanqaaday inaan hadh iyo Habeen Aanaan ka nasaan Hawlaha Xisbiga Kulmiye waxaan Gobolada Saaxiil iyo Togdheer ugu hambalyeynaaya sidii Taageerada xisbiga kulmiye dhamaantood ugu Istaageen, Xisbiga Waddani waxaan leeyahay waxbaa uma arko wixii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Egal laakiin tartanba ina dhexyaala waynaan Tartamaynaa “ ayay Tidhi Rooda Cabdi Muuse