Home Article & Opinions Rihanna Ayaa Raali Galin Kabixisay Muqaal Muran Badan Dhaliyay

Rihanna Ayaa Raali Galin Kabixisay Muqaal Muran Badan Dhaliyay

0
21

Rihanna ayaa raalli galin ka bixisay ka dib markii ay baahisay hees muran dhalisay bandhigeeda ugu dambeeyay ee Savage X Fenty.

Waxay la kulantay walaac bulsheed oo dhanka internetka ah kaas oo ka dhan ah heesta Doom ee ay qaaddo fanaanadda Coucou Chloe, oo ay ku jiraan qoraal Muslim ah oo ka mid ah Xadiiska.

Rihanna ayaa sheegtay adeegsiga heestaasi in ay ahayd “masuuliyad darro” iyo “daacad ahaanna, uu ahaa khalad taxadar la’aan ah.”

Xadiisku waa qayb ka mid ah qoraallo la ururiyey oo la rumaysan yahay inay yihiin ereyadii uu ku hadlay nabi Muxamed, NNKH.

Ka dib kitaabka barakaysan ee Quraanka, Axaadiista waxaa loo arkaa inay yihiin qaar ka mid ah qoraallo diimeedka ugu muhiimsan muslimiinta.

Qaybta Carabiga ah ee heesta loo adeegsaday waxa ay qayb ka tahay Xadiis ka hadlaya maalinta xukunka ama qiyaamaha. Heestana waxaaba loogu magac daray ‘qiyaamaha’

Coucou Chloe ayaa iyana dhankeeda raaligalin bixisay, iyadoo sheegtay inaysan ka warqabin in heesta ay ku jirto beydadkaa ku saabsan Islaamka.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

1px transparent line

Astaanta Rihanna ee bandhiggeedii quruxdaiyo xayaysiinta dharka ee Fenty ayaa lagu ammaanay sida ay ugu heellan tahay hirgelinta kala duwanaanshaha.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha muslimiinta ah ayaa su’aal ka keenay adeegsiga heestaas xilligaas oo si toosa looga daawanayey Amazon Prime, markii taariikhdu ahayd 2-dii Oktoobar.

Hodhen Liaden, oo 26 jir ah, waa qoraa wax ka qorta quruxda oo taageere u ah Rihanna iyo bandhiggeeda Fenty laakiin waxay u aragtay inay khalad tahay in heestaas lagu soo daro showga.

Waxay tiri waa “wax lagu raaxeysto” in la arko raaligalinta Rihanna laakiin waxay u maleyneysaa in magacyada waaweyn “ay u baahan yihiin dad badan oo muslimiin ah oo ka shaqeeya warshadahaas kuwaas oo ka soo bixi kara waxyaabaha sidan oo kale ah”.

A screenshot of the apology
1px transparent line

Hodhen waxay horey u iibsatay alaabooyinkii bandhigga Fenty laakiin waxay sheegaysaa in dhacdadani ay baddeli karto maskaxdeeda hadda.

Xataa waxa ay sheegtay in aanay isticmaali karin isla markaana baahin karin alaabtii loo soo diray, si ay u xayaysiiso.

“Uma maleynayo inaan iibsan doono badeecado ama xitaa aan ku xayaysiin doono barteyda Instagram. Macno ahaan waxaan hayaa sanduuq alaabooyin Fenty ah oo la ii soo diray si aan wax uga qoro ama uga curiyo, mana ogi sida aan taas u dareemayo.”

Hodhen Liaden
Qoraalka sawirka,Hodhen ayaa sheegtay in laga yaabo inay joojiso iibsashada alaabta Fenty

Tani ma ahan markii ugu horreysay oo Rihanna lagu eedeeyo dareen la’aan dhanka diinta Islaamka ah.

Sanadkii 2013, waxaa laga codsaday inay ka baxdo masjid ku yaal Abu Dhabi ka dib markii ay sameysay “sawiro aan munaasib aheyn”.

Warshadaha dharka ayaa lagu eedeeyay inay sameeyan “anshax xumo” dhanka Islaamka ah, sidoo kale.

Bishii Ogosto, Kanye West ayaa dadka qaar ku dhaleeceeyeen inuu ugu magac daray tababarayaashiisa kabaha Yeezy Boost, Israfil iyo Asriel – oo ah labo magac oo islaami ah.

Rihanna waxay ku doodeysa in aabaheed uu magaceeda si xun uga fa'ideysanaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here